Maxaa Isbedelay Tan Iyo Markii Rodri Dib Ugu Soo Laabtay City?
Rodri dib ayuu ugu soo laabtay safka hore ee kooxda Manchester city– balse guulaha way sii yaraanayaan wali.
Hordhac:
Tan iyo markii Rodri loo magacaabay in lagu Soo bilaabo Manchester City safka bilowga ee kulammo dhowaan ah
kooxda Manchester City waxay khasaartay ama barbar dhacday 5 ka mid ah 6-dii kulan ee Premier League udambrysay, iyadoo wax guul aan laga gaadhin tartanka horyaalka tan iyo markii jebinta guul-silsiladdii hore jirtay. Taasi waxay imaneysaa kadib markii City ay heshay 6 guul oo is xiga Premier League ka hor inta uusan Rodri dib ugu soo laabanin Safka hore ee kooxda, taasoo muujinaysa isbeddel lama filaan ah oo ku yimid natiijooyinka kooxda.
Sababta Rodri U Muhiimsan Yahay Manchester City
1. Saameyn muuqata xaga tirakoobka guud.
Rodri wuxuu xubin muhiim ah ka ahaa Manchester City tan iyo markii uu ku biiray 2019-kii — kooxdu waxay guulaysatay 74% ciyaaraha uu ka qayb qaatay, halka marka uu ka maqnaado ay guulaysato kaliya 64% ciyaaraha.
2. Dhaqaale tirakoob oo cad
– City ayaa guul ka gaartay 129/174 Premier League ciyaar iyadoo Rodri ciyaaray.
– Laakiin markii uu maqnaa, City waxay guulaysatay kaliya 13/21 ciyaar oo ka tirsan horyaalka.
Tan waxay ka dhigan tahay in City ay heshay ciyaaro ka badan 10% guul yari marka Rodri aanu jirin.
3. Saameyntiisa difaaca & weerarka
Marka Rodri ciyaaro:
- City waxay celisaa kaliya 0.83 gool kulankiiba
Marka aanu jirin ama ciyarin:
- Waxa ay celisaa 1.08 gool kulankiiba
Clean sheets-kuna waxuu hoos u dhacaa marka uu Rodri ka maqanyahay kooxda.
Tani waxay caddeynaysaa in booskiisu uu yahay tiir difaac iyo hogaamineed oo muhiim u yahay nidaamka ciyaareed ee Guardiola.
Xog Dheeraad ah oo Xiiso Leh
Rodri iyo rikoorada xilli ciyaareedkii hore.
Rodri ayey u gaar tahay mid ka mid ah cayaaraha ugu dheer ee aan laga badin kooxda Premier League tan iyo markii uu City ku biiray — City lama bixin ilaa 51 kulan ay ciyaaray isagoo meesha jooga.
Saameynta dhaawicii hore.
Rodri wuxuu seegay xilli ciyaareedkii hore bilowgiisii sabab la xiriirta dhaawac ACL (ligament) ah, taas oo ahayd mid saameyn weyn ku yeelatay sida City u ciyaartay guud ahaan xilligaasi.
Gunaanad:
Maxaa Laga Baran Karaa Xaaladdan?
Manchester City waxay muujisay in Rodri uusan kaliya ahayn ciyaaryahan qaas u ah kooxda, laakiin yahay laf dhabarta nidaamka ciyaareed ee Guardiola, gaar ahaan marka la eego:
- Xawaare sare oo guulaha ah marka uu ciyaaro.
- Nidaam difaac oo deggan.
- Saameyn fiican xagga GOOL la’aanta & hogaaminta.
Xidiga reer Spanish In kasta oo dib u soo laabashadiisu ahayd mid la sugayay, xogtu waxay muujinaysaa in natiijooyinka City aysan weli ku soo laaban heerkii hore — taasoo ka dhigan in kooxda ay weli la qabsanayso hab-ciyaareed la mid ah kii horay u jiray markii Rodri uu joogi jiray.

0 Comments