Lionel Messi oo shaaca ka qaaday tartankiisa cusub
ee “Messi Cup” Frenkie de Jong oo ka hadlay mushaarkiisa iyo….
Wararkeena caawa iyo maxaa cusub:
Lionel
Messi oo shaaca ka qaaday tartankiisa cusub ee “Messi
Cup”
Messi cup waa kaab
uu qabanaayo ciyaaryahanka ween ee messi waxuuna ugu tala galay in uu ku dhiiri
galiyo dhalinyarada yaryar ee hada soo koreysa si eey ugu indha furtaan.
Ciyaaryahanka caanka ah ee Lionel Messi ayaa si rasmi ah u ku dhawaaqay tartankiisa cusub ee “Messi Cup”,
kaasoo diiradda saaraya ciyaartoyda da’da yar.
Tartankan waxa uu
sheegay in eey ka qayb geli doonan 8 kooxood oo soo diri doona xubnaha da’da U16 si ay u tartamaan.
Tartankaan kooxaha ka qeeb gali
doono waxaa kamid ah
• Inter Miami
• FC Barcelona
• Chelsea
• Manchester City
• Atlético Madrid
• Inter
• River Plate
• Newell's Old Boys
Messi Cup” ayaa ah
fursad weyn oo dhalinyarada ah si ay u muujiyaan xirfadooda kubadda cagta, isla
markaana u bartaan tartan heer sare ah oo ay ka qayb galaan kooxo caan ah.
Messi ayaa sheegay inuu yahay mid u heellan kobcinta ciyaartoyda mustaqbalka, isagoo rajo ka muujiyay in tartanku noqdo mid caalami ah oo soo jiita dhalinyarada kubadda cagta jecel Sida eey xaqiijiyeen ila lagu kalsoonyahay.
Frenkie de
Jong oo ka hadlay mushaarkiisa iyo wararka been-abuurka ah ee Barça.
Frenkie de Jong ayaa si cad u sheegay in wararka ku saabsan mushaarkiisa kooxda Barcelona uu ahaa mid si weyn loo buunbuuniyey sanadihii la soo dhaafay. Sida uu sheegay Fabrizio Romano,
Frenkie
ayaa yiri:
"Wararka ku saabsan inta aan
mishaar ka helo Barça ayaa si aad uween loo buunbuuninayey dhammaan sannadihii la soo
dhaafay. Taasi waxay saameysay sida dadka i arkaan iyo dhamaan suncadeyda oo
dhan , waxaana mas’uul ka ah warbaahinta oo arintaan said u buunbuunisay arinta
oona geeysay meeleysan joogin arinta”.
Sidookale
franke dejong ayaa si cad u sheegay inuusan ka hadli doonin mushaarkiisa cusub isagoo
yiri MAYA makuu sheegi doono inta uu noqon doono mishaarkeyga cusub.
Arinaan ayaa si cad u muujineysa sida ciyaartooyda waween mararka qaar eey ula tacalaan warbaahinta iyo wararka been abuurka ah iyagoo ilaashanaaya suncadooda iyo sharaftooda sida eey xaqiijiyeen warbaahinada ugu afka dheer caalamka oo u dhuun duleela arimaha sports ka.


0 Comments