Cristian Ronaldo oo wali dada 40 jir ku wacdareynaayo iyo Dean
Huijsen Daafaca Mustaqbalka Ee Yurub Ka Yaabiyey..
Wararkeena duhur iyo maxaa cusub manta:
Cristian Ronaldo
oo wali dada 40 jir ku wacdareynaayo:
Xidiga ween ee rer Portugal ayaa wali cadeynaayo oo
muujinaaya marqaatina kaga dhigaaya inuusan
wali hoos udhac ku imaanin heerkiisa ciyaareed .
Waxuu hada dhaliyey 10 gool 10 bankii kulan ugu dambeysay ee
uu u ciyaaray ama usaftay xulka qaranka Portugal.
Tan ayaa muujineysa in ciyaaryahanka qaranka Portugal Cristiano
Ronaldo uu yahay mid eeysan xitaa joojin Karin dadiisa.
Inkastoo uu yahay 40 sano jir hadana Ronaldo wali waa hogaamiyaha
ugu ween ee xulka Portugal.
Tana waxay cadeen utahay inuu yahay ciyaaryahan hibo ween
uleh kubada cagta,una qaata tawabar adag oo joogta ah si uu ugaara hadafkiisa
iyo yoolkiisa kubada cagta tana waxay cadeen cad utahay goankiisa aan laqiaasi Karin
xidiga reer Portugal.
Ronaldo waxuu muujinayaa in dada macnaheedu eeysana heen dhamaadka eey tahay tijaabo qofka
muujineysa goankiisa iyo jacelka uu uqabo ciyaarta.
Ronaldo oo mar warbaahinta la hadlaayey ayaa yiri_waxaan sii
wadi doonaa ilaa jirkeyga uu ii ogalaado mana jiro qof iga joojinkaro jacelka
aan uqabo kubada cagta ciyaaristeeda.
Marka aad daawato qaab ciyaareedkiisa, goolashiisa saxda ah, iyo sida uu u dhiirrigeliyo ciyaartoyda da’yarta ah, waa sababta uu wali aga mid yahay kuwaga ugu fiicnaa ee soomatra kubada cagta haduuba aheen midkii ugu fiicnaa waxuuna tusaale uyahay qof walba oo rabo inuu guul warta ka gaaro kubada cagta.
Dean
Huijsen: Daafaca Mustaqbalka Ee Yurub Ka Yaabiyey
Waxaa soo baxaaaya xoga cajiib ah oo muujinaaya heerka eey
gaarsiisantahay farsamada iyo kalsoonida Dean Huijsen.
Daafacaan dhalanyarada ah ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah
dufaacyada kuwooda ugu mustaqbalka fiican ee yurub ka ciyaaro xiligaan.
Ila lagu kalsoonyahay ayaa waxay xaqiijiyeen inuusan jirin
daafac dhaxe (center back) oo ka ciyaara 7 dabada horyaal ee ugu waween qaarada
yurub (Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga, Ligue 1, Eredivisie, iyo
Liga Portugal) oo leh baasas sax ah oo
hormarsan marka loo eego Dean Huijsen marka laga fiirinaayo qeebta hore ee
garoonka (final third) celcelis ahaan marka latiriyo ama laxisaabiyo 90 daqiiqo
kaste oo kamid ah ciyaarta.
Tani waxay muu jineysaa in Dean huijson uusan aheen dufaac
adag oo kaliya oo sidookale yahayna dufaac casri ah oo si qurux badan udhisa
ciyaarta.
Waa daafac mustaqbal ah fahmaayana sida loo soodhisa weerarka
ama losoo bilaabo weerarka.
Tan ayaa kadhigeysa daafaca kooxda real mardrid iyo xulka
spain midka eey koox walba ku riyooneysa in eey malin uun uu qeeb ka noqdo,tanina
waxay kor uqaadeysaa qiimihiisa iyo mustaqbalkiisa kubada cagta.
Wuxuu u muuqdaa mid matalaya jiilka cusub ee daafacyada Yurub
kuwa difaaca adag iyo farsamada sare isku dara.


0 Comments