Latest Article

6/recent/ticker-posts

Gareth Bale Oo Ka Hadlay Cabsidii Ugu Weynayd Ee Nolol Ciyaaryahannimo iyo Iñigo Martínez Oo Ka Hadlay Soo Dhoweyntii Cristiano Ronaldo Ee Al Nassr..

 

Gareth Bale Oo Ka Hadlay Cabsidii Ugu Weynayd Ee Nolol Ciyaaryahannimo iyo Iñigo Martínez Oo Ka Hadlay Soo Dhoweyntii Cristiano Ronaldo Ee Al Nassr..

Wararkeena galab nimo iyo maxaa cusub:

Gareth Bale Oo Ka Hadlay Cabsidii Ugu Weynayd Ee Nolol Ciyaaryahannimo:

Halyeeygii reer Wales Gareth Bale ayaa si daacad ah uga hadlay cabsi uu had iyo jeer qabay intii uu ciyaaraha ku jiray — taas oo ahayd inuu noqdo mid dhaqaale ahaan baaba’a ka dib marka uu ciyaaraha ka fariisto.

Tan ayaa muujineysa in ciyaartooy badan in eey ka cabsadaan markey ciyaaraha kafariistaan in eey sabool noqdaan waana tan ku dhacday ciyaartooy badan oo hore.


Bale ayaa yiri dhaqaale ahaan baaba’o had iyo jeer waa wax iga cabsan jiray.

Waxuuna raaciyey hadalkiisa Waxaad akhridaa maqaalada ku saabsan ciyaartoyda ka fariista ciyaaraha kadibna noqda kuwo hantidooda waaya. Ma yaqaanaan sida ay lacagtooda u maareeyaan, mana garanayaan waxa ay samaynayaan marka ay kubadda ka fariistaan.

Xidiga reer wales bale ayaa sheegay in uu si dhab ah uga fogaaday nolol raaxo badan oo xad-dhaaf ah.

Xidiga reer wales ee bale ayaa yiri Ciyaartoy badan waxay ku noolyihiin nolol raaxo ah, taasna anigu waan iska ilaaliyay. Had iyo jeer waxaan ka fikiri jiray nolosha iga dambeysa kubadda cagta.

Wuxuu intaas ku daray in uu si taxadar leh u maalgashaday shirkade badan.

Waxuu kaloo sheegay in Markaad joojiso ciyaaraha, lacagta way istaagtaa. Dadka badankood ma oga sida ay noloshooda dib ugu habeeyaan. Anigu waxaan isku dayay inaan kala duwo maalgashiyadayda,haduu mid fashilmo in midkale loo baxsanaayo.

Gareth Bale ayaa tusaale fiican u noqday ciyaartoyda da’yarta ah, isagoo muujiyay muhiimadda qorsheynta nolosha ka dambeysa ciyaaraha iyo maareynta hantida si caqli badan.


Iñigo Martínez Oo Ka Hadlay Soo Dhoweyntii Cristiano Ronaldo Ee Al Nassr:

Warar kaimanaya ila lagu kalsoonyahay ayaa sheega in daafaca reer spain inigo Martinez uu si daacad ah ugu hadlay sida uu ula dhacay sida Cristiano Ronaldo uu ugu soo dhaweeyey kooxda al nassr iyo qqabka dabeecadihiisa eey yihiin marka lajoogo gudaha kooxda.


Sidokale Martinez ayaa sheegay in taasi eey aheed wax uu layaabay waxuuna dhahay mararka qaar muuqalka qofka wuu ku qiyaami karaa asagoo kala jeeda in uu ku qaldamay muuqalka Ronaldo.

Sidokale waxuu sheegay in Cristiano Ronaldo uu yahay qof si fudud loo gaari karo,uuna yahay qof aad utartama oo tartankana aad ujecel,waxuuna si buuxda u jecelyaay kubada cagta waxuuna aaminsanyahay iney tahay Nolashiisa oo dhan.

Hadalkaas ayaa muujinaaya in Cristiano Ronaldo uu yahay halyeey laga yaqaano dunida oo dhan uu waliba yahay shaqsi hoos isku dhiga markuu joogo kooxdiisa dhaxdeeda ,una muujiya kooxdiisa jacel iyo dadaal ciyaareed.


Post a Comment

0 Comments