Latest Article

6/recent/ticker-posts

Rajo Wanaagsan oo ku saabsan Raphinha kahor El Clásico iyo Graham Potter oo laga yaabo inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka Sweden..

Rajo Wanaagsan oo ku saabsan Raphinha kahor El Clásico  iyo Graham Potter oo laga yaabo inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka Sweden..

Rajo Wanaagsan oo ku saabsan Raphinha kahor El Clásico:

Waxaa jiro warar waween oo ku saabsan in lacibka Barcelona Raphinha uu diyaar unoqon karo kulan ween ee El Clásico, sida eey sheegayaan ila lagu kalsoonyahay.


Laacibka reer Brazil ayaa maanta maray baaritaanno caafimaad, waxaana la sheegay in xaaladdiisu soo hagaagayso eeyna macquul tahay in uu qeeb ka noqdo kulanka ween ee u dhaxeeya Barcelona iyo real madrid ee El clasico,balse wali lama hubo in uu qeeb ka noqonkaro kulanka ween oo muhiimka ah kana dhanka ah kooxda real madrid.

Barcelona ayaa rajeynaysa in Raphinha uu dib ugu soo laabto waqtigiisa, si uu uga qeyb qaato ciyaarta ugu xiisaha badan horyaalka La Liga, taas oo saameyn weyn ku leh tartanka horyaalka.

Tan ayaa muujineysa in kooxda Barcelona eey baahi ween uqabto in uu soo laabta xidiga reer barasil ka hor kulan ka dhanka ah real madrid,tan ayaa ka dhigan in kulankaan ahmiyad gooni ah uu uleeyahay kooxda Barcelona waana sababta eey san urabin in eey wayaan ciyaar yahay kooxdooda koowad muhiim ka ah.

Kooxda Barcelona ayaa hada hogaanka laliga looga hayaa farqi dhibco ah hadii kulanka ka dhanka ah real madrid laga adkaada kooxda Barcelona tasaa ayaa kadhigan in real eey hogaanka sii dheyrandoonto tasoona niyad jab ween ukeeni doonta kooxda Barcelona niyad dhisna unoqon doonta kooxda real madrid,tana ayana kadhigan in labada dhinacba uu muhiim said ah utahay in eey guuleestaan kulankaan.

Kulanka ayaana ka dhici doono isbuuca soo socdo garoonka ween ee kooxda real madrid  (Stadium Santiago Bernabeu) malin axad ah oo tariikhda eey ku aadantahay 26 bisha October 2025 waa malin ween oon wada sugeyna dhamaan tageerayaasha kooxda real madrid  iyo kuwa kooxda barcelona.

 

Graham Potter oo laga yaabo inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka Sweden:

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Graham Potter uu wadahadallo hordhac ah la yeeshay Xiriirka Kubadda Cagta ee Sweden.


Wadahadalada ayaa lafilaayaa in diirada lagu saaray in uu tawabare cusub u noqdo xulka qaranka Sweden kadib markii shaqada laga joojiyey ama laga ceyriyey tawabare Jon Dahl Tomasson.

Potter waa macali ween oo hore usoo maamulay kooxa eey kamid yihiin Chelsea iyo Brighton.

Potter ayaa kusoo caanbaxay wayihiisa tawabare nimo guulihii uu kazoo gaaray horyaalada Sweden markii uu tababare u ahaa kooxda Östersunds FK oo markaas kaciyareysay horyaalka heerkiisa 4 aad ilaa uu kooxdaas ka soo qaaday heerka afraad ee horyaalka ilaa heerka ugu sarreeya uu dib ukeenay,Isagoo 2017 kooxda ku hoogamiyey koobka Swedish cup.

Potter Markii laweydiiyey suurta galnimada in uu qabto tawabarnimada xulka qaranka Sweden ayuu sheegay in uu ufuranyahay fursadaas ,isagoona ku tilmaamay shaqada tawabarnimo ee xulka wadanka Sweden in eey tahay mid fantastic ah eeyna noqon doonto mid uu tixgaliyo.

Haddii uu heshiiskaas dhaboobo, waxay noqon doontaa soo laabasho weyn oo Potter ku noqonayo dalka Sweden,halkaas oo ah meshii ugu horeysay ee uu kazoo bilaabo wayihiisa tawabarnimo ee caanka noqday. 

Post a Comment

0 Comments