Kylian Mbappé Oo
Ka Hadlay Isbarbardhiggiisa Cristiano Ronaldo,Gerard Piqué oo
qirtay dareenkiisii ka dhanka ahaa Real Madrid,
Wararka galabnimo:
Warar ayaa
sheegaya in wadanka England Oo uu Goolal
Dhalinaayo 18 Ciyaarood Oo Isku Xiga.
Xulka qaranka England ayaa sii wadanaya bandhig cajiib ah, kadib markii ay goolal ka dhaliyeen 18 kulan oo isku xiga dhammaan tartamada ay ciyaareen. Bandhigan ayaa muujinaya heerka xooggan ee weerarka xulka “Three Lions” uu hadda marayo ama awoodooda heerka eey gaarsiisantahay tan ayaana u horseedi karto iney ku guuleestaan koobka aduunka ama eey meel fiican ka garaan.
Liiska Ciyaaraha
Ay England Goolasha Ku Dhalisay:
⚽ — Latvia
⚽ — Wales
⚽ — Serbia
⚽ — Andorra
⚽ — Senegal
⚽ — Andorra
⚽ — Latvia
⚽ — Albania
⚽ — Republic of Ireland
⚽ — Greece
⚽ — Finland
⚽ — Greece
⚽ — Finland
⚽ — Republic of Ireland
⚽ — Spain
⚽ — Netherlands
⚽ — Switzerland
⚽ — Slovakia
Kulankii ugu
dambeeyay ee England aysan wax gool ah dhalin wuxuu ahaa kulankii ay la ciyaareen Slovenia intii
lagu jiray tartankii EURO 2024, taasoo ahayd ciyaar ku dhammaatay
barbardhac 0-0 ah .
Tan iyo markaas xulka England waxay noqotay mid aan la joojin Karin oo
wax wax walba oo ka horyimaada buudka lama iyagoo si joogto ah u helaya ama u
haleylayey shabaqa koox walba oo ay la kulmaan.
Xulka England ayaa
hadda muujinaya awood iyo joogteyn aan caadi ahayn, iyadoo taageerayaashoodu ay
rajo weyn ka qabaan in bandhigan uu horseedi karo guulo waaweyn mustaqbalka
dhow – gaar ahaan tartamada soo socda ee FIFA
World Cup 2026. Kazoo eey rajeynayaan in eey ku guuleestaan.
Kylian Mbappé Oo Ka Hadlay Isbarbardhiggiisa
Cristiano Ronaldo
Xiddiga reer
Faransiis Kylian Mbappé ayaa si
qosol iyo xushmad leh uga jawaabay isbarbardhig lagu sameeyay isaga iyo Cristiano Ronaldo, kaddib markii la
sheegay inuu hadda dhalinayo goolal tiro ahaan iyo kulamo la mid ah kuwa
Ronaldo.
Xidiga reer farance
ayaa laweydiiyey ama lagu yiri.
“Waa wax la yaab
leh in aad hadda dhalinayso tiro goolal ah oo la mid ah kuwii Cristiano Ronaldo
uu hore u dhaliyey ee waliba isla eg ciyaaro ah”
Mbappe ayaa ka
jawaabay asagoo dhoola cadeynaayo waxuuna yiri,
Haa laakiin asaga
waxuu sidaan sameynayey mudo sagaal sanadood ah halka aniga aan halkaan joogo
hal sano iyo bar oo kaliya
Hadalkaan ayaa
muujinaaya in mbappe uu si qadarin iyo xaqiiq ah uu usheegay hala uu Cristian Ronaldo
uu kajoogo kubada cagta in kastoo asaga uu hada kujiro mar xalad dagdag ah oo
ifeeyso.
Gerard
Piqué oo qirtay dareenkiisii ka dhanka ahaa Real Madrid
Daaficii hore ee kooxda Barcelona
ayaa Gerard pique ayaa sheegay in uu
waayihiisa ciyaareed aad u necbaa kooxda real madrid asagoo xitaa qirtay in uu ku dabaal dagi
jiray guuldarada kooxda real madrid si lamid ah si uu ugu dabaal daga guusha
kooxdiisa Barcelona.
Hadalkaan ayaa abuuray hadal heen badan oo dhax martay
taageerayaasha labada kooxood.
Tan waxay muujineysaa heerka cadowtinimada eeey isku qaadeen
taageerayasha iyo ciyaartooyda labada koox in tii lagu guda jiray kulanka adag
ee El Clásico.
Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa
muddo dheer ku loolamayay sharaf, koobab iyo taariikh, waxaana ciyaartoydii
labada dhinac ay marar badan muujiyeen dareenno xooggan oo midba midka kale ka
dhan ah.


0 Comments