Latest Article

6/recent/ticker-posts

Arda Güler: “Waxaan dareemayaa inaan muhiim u ahay kooxda real madrid — mahadsanid Xabi Alonso.

Arda Güler: “Waxaan dareemayaa inaan muhiim u ahay kooxda — mahadsanid Xabi Alonso.

Hordhac:

Da’yarka reer Turkiga kooxda real madrid Arda Güler ayaa si daacad ah ama cad u sheegay sida uu ugu faraxsan yahay kalsoonida uu ka helay tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, kaasoo ka dhigay mid muhiim u ah kooxda real madrid oo fure u ah nidaamka ciyaareed ee kooxda real madrid siiyeyna kalsooni buuxda oo uu ku muujin karo hab ciyareedkiisa cajiibka ah.

Arda Güler oo ku faraxsan Real Madrid kadib bandhig cajiib ah, isagoo mahadcelinaya tababare Xabi Alonso.

Arda Güler oo si joogto ah u helaya fursado ciyaareed ayaa yiri “Waxaan dareemayaa inaan muhiim u ahay kooxda real madrid, waxaana u mahad celinayaa macalinkeyga Xabi Alonso oo i siiyey fursadaan qaaliga ah oo na i rumeysan ina aaminsan.” Wuxuu sii raaciyay “Markuu rabo inaan dhaliyo goolal ama caawiyo, wuxuu i ciyaarsiiyaa booska lambarka 10. Haddii uu doonayo inaan xakameeyo ciyaarta, wuxuu i gelinayaa booska 8” taasi ayaana ii suurtagalisa mar walba inaa soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah oo eey kuwada qancaan dhaman kooxda iyo taageerayaasha kooxda real madrid.

alsoonida Xabi Alonso iyo isbeddelka Arda Güler:

Tan iyo markii uu tawabaraha cusub ee kooxda real madrid  Xabi Alonso xilka tababarenimo ee Real Madrid la wareegay xilli ciyaareedkan, wuxuu si cad u muujiyay kalsooni uu ku qabo dhalinyarada kooxda qaarkood isagoo siiyey fursada eey isku muujiyaan uguna dagaalamaan booskooda kooxda, gaar ahaan waxuu fursad ween siiyey Arda Güler, kaas oo si joogto ah u helaya waqti ciyaareed iyo masuuliyad weyn oo uu ku aaminay tawabaraha kooxda xabi alonso.

Arda Güler oo hore ugu dhibtooday dhaawacyo iyo fursado kooban xilligii xiligii uu xilka haayey tawabarihii hore ee kooxda real madrid hadana ah tawabaraha xulka qaranka brazil Carlo Ancelotti, hadda wuxuu u muuqdaa mid dib u helay kalsooni fursad aad qaali u ah, isagoo hada  ka mid ah ciyaartoyda ugu hal-abuurka badan kooxda Los Blancos.

Doorka cusub ee uu Alonso siiyay Güler:

Tawabaraha cusub ee kooxda real madrid Xabi Alonso ayaa Güler siiyay xorriyad uu kaga ciyaaro boosaska dhexe, gaar ahaan booska 8 iyo 10, taas oo u saamaxday inuu muujiyo xirfadiisa sare ee xakamaynta ciyaarta, kubbad bixinta hal-abuurka leh iyo gool dhalinta, tasoo sare uqaaday xirfadiisa muujisayna waxuu yahay iyo waxuu galo kana caabisay aaminaada tawabaraha kooxda iyo dhaman taageerayasha.

Bandhiggiisii ugu dambeeyay ee La Liga iyo Champions League ayaa soo jiitay indhaha taageerayaasha real madrid, kuwaas oo aaminsan in Arda uu noqon karo mid ka mid ah tiirarka cusub ee mustaqbalka kooxda Real Madrid eey ku maamuli doonto kubada cagta yurup oo dhan.

Gunaanad:

Arda Güler wuxuu noqday tusaale dhameystiran oo muujinaya sida kalsoonida tababareyaasha ay u beddeli karto mustaqbalka ciyaaryahan da’yar ah.
Xabi Alonso wuxuu u muuqdaa inuu fahmay awoodda uu Arda leeyahay iyo in uu yahay nin ay wax badan kudhex jiraan, isla markaana uu doonayo inuu ka dhigo xarunta mustaqbalka Real Madrid.

Waqtiga ayaa sheegi doonaa waxa uu noqon doono, balse hadda waa muuqataa in Arda Güler uu si dhab ah u soo baxay, isagoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xiisaha badan ee da’yarta Yurub iyo xirirka kubada cagta ee La Liga.

Post a Comment

0 Comments