Mo Salah kursiga keydka loo diray – Go’aan lama filaan ah oo Arne Slot sameeyay
Hordhac:
Waxaa maanta yaab
ku noqotay taageerayaasha Liverpool iyo dhamaan caalamka oo dhan kadib markii
ay arkeen Mohamed Salah oo kursiga
keydka kusoo bilaabanaya kulan kamid ah Champions League — markii labaad oo xiriir ah, taas oo ah arrin aan
waligeed dhicin tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray ciyaaryahanka reer masar
uuna aga soo biiray kooxda Roma sanadkii 2017.
Wararka ka imanaya Anfield ayaa sheegaya in Arne Slot, tababaraha cusub ee Liverpool, uu go’aansaday in uu nasiyo oo uu korsiga keedka udhaadhiciyo mohammed Salah, sababo la xiriira daal badan iyo hoos u dhac yar oo ku yimid qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan. Mohammed Salah ayaa ciyaaray daqiiqado aad u badan isagoo bandhigiisa uu aad uliita waliba, isaga oo u ciyaaray Liverpool iyo xulkiisa Masar labadaba.
Arrin dhif
ah:
Tan
iyo markii uu mohammed Salah uu aga yimid kooxda AS Roma naadiga liverpool,
wuxuu noqday xiddiga ugu muhiimsan ee Liverpool, isagoo dhaliyay in ka
badan 200 gool isla markaana kooxda ku hoggaamiyay guulo waaweyn sida Premier
League oo eey kooxda ku guulrysatay (2020) iyo Champions League (2019)
oo eey kooxda ku guuleysatay.
Hase
yeeshee, xilli ciyaareedkan waxaa lagu arkay wax yar oo hoos u dhac ah ama in
uu heysanin qaab ciyareedkisii ugu wanagsanaa. Go’aanka Arne Slot ee ah
in uu Salah ka reebo laba kulan oo xiriir ah kusoo bilaawashada safka
hore ee kooxda wuxuu muujinayaa in tababaruhu doonayo isku-dheelitirnaan
iyo in uu siiyo ciyaartoyda kale fursad iyo in uu mohammed salah nasiinada
kadib soo celiyo bandhigisii wanagsanaa asagoo tartan ugalaaya booskiisa. Tan
ayaa u muuqata in macalinka uu ugu gol leeyahay in salah oo bandhigiisa dib u
helo isagoo dareemaya in uu booskiisa halis kujiro.
Hadalkii
Arne Slot ka hor kulanka
Arne Slot oo la hadlay saxaafadda ayaa saxaafadda u
sheegay:
“Mohammed salah waa ciyaaryahan heer sare ah, laakiin daal ayaa ka
muuqda ama laga dareemayaa. Waxaan rabnaa in aan ilaalino xaaladdiisa jir
ahaaneed si uu u sii ahaado mid saameyn leh marka aan u baahanahay, oona na
caawin kara”
Hadalkan Slot wuxuu
muujinayaa in go’aanka uu gaaray uu yahay mid xeeladaysan oo lagu doonayo in la ilaaliyo tayada iyo
awoodda Salah inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan dheer oo aadka u adag.
Maxay tani kaga dhigan tahay kooxda Liverpool?
Qaar ka mid ah
taageerayaasha ayaa u arka arrinkan in uu yahay tallaabo caqli badan oo Arne Slot qaaday, halka qaar
kalena ay u arkaan tusaale muujinaya
isbeddelka falsafadda tababarka ee cusub ee Liverpool. Halka kuwa
kalana eey u arkaan mid qalad ween ah oo laga galaaya salah oo eeyna tahay in
wali jaanis buuxa lasiiya salah eeyna qalad tahay in kulan ween champions
league ah lagu soo bilaabo keedka.
Liverpool ayaa wali sanadkan ku jirta ama wali ciyaareysa tartamo
badan, sidaas darteed Slot wuxuu rabaa in uu hubiyo in xiddig kasta oo kooxda
kamid ah, gaar ahaan Salah, uu
si buuxda u caafimaad qabo marka la gaaro marxaladaha ugu adag ee ciyaaraha Champions
League iyo Premier League.
Marka uu Salah dib ugu soo laabto safka hore, indhaha oo dhan waxay ku
jeedaan sida uu uga jawaabo – ma u soo bandhigi doonaa qaab ciyaareedkii
cajiibka ahaa ee hore waaba hadii uu kusoo laabta safka hore mise waxay kula tahay in Slot uu sii wadi
doona tijaabadiisa taktiikada cusub oo uu mohammed salah
keedka ku ilaabi doono.?
Gunaanad:
Tani waa markii ugu horraysay muddo 8 sano ah ee
Mo Salah laga reebo laba kulan oo xiriir ah oo Champions League ah — dhacdo
muujinaysa bilow cusub oo Arne Slot
damacsan yahay in eey kooxdiisa isbadal ku hesho oo eey dib ugu soo laabata wadada
guulaha, markii 4 kulan oo xiriir ah lagaraacay kooxdiisa
horyaalada oo dhan.
Taageerayaasha Liverpool waxay rajaynayaan in nasashadan yar ay
mohammed salah u noqon doonto fursad uu
ku nasto oo uu ku soo laabto si xoog leh, si uu u sii wado sheekadiisa
guusha ee Reds ama tariikhda uu ka sameynayey kooxda Liverpool, uuna dhib usoo
nooleeya waayihiisa ciyaareed ee liverpool.

0 Comments