Endrick: Xiddigii Brazil ee Real Madrid oo loo qorsheeyay inuu amaah kaga
tago kooxda real madrid Janaayo 2026
Hordhac
Xiddiga da'da yar ee Brazil iyo kooxda real madrid, Endrick, ayaa lagu wadaa inuu ka tago Real
Madrid si amaah ah bisha Janaayo 2026. Iyadoo uu ku jiro qorshe lagu hubinayo
inuu helo waqti ciyaareed dheeri ah, qorshahaan ayaa ka cabin kara Endrick in
uu ku muujiyo xirfadiisa si uu isku soo saaro oo uu boos u helo, Endrick wuxuu doonayaa inuu ka qayb
qaato ama uu qeeb kanoqdo ciyaartoyda ka qeeb galeysa Koobka Adduunka ee 2026 oo
kadhacaaya wadamada America,Canada iyi Macxico, Isaga waxuu u baahanyahay inuu
helo ciyaar joogto ah si uu u kasbado booskiisa xulka qaranka Brazil.
Xaaladaha
hada ee Endrick
Xilli
ciyaareedkii hore (2024–25): Endrick wuxuu ku bilowday xili ciyareedkiisa si fiican, isagoo dhaliyay 7 gool 37 kulan oo
uu ciyaaray xul iyo kooxba, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee
gool u dhaliya Real Madrid tartanka Copa del Rey, Asagoo isku qoray rikoodh
kaas. Tani waxay muujineysay in uu kujiray waqti fiican xili ciyaareed kaas.
Xilli
ciyaareedkan hadda (2025–26): Si kastaba ha ahaatee xidiga reer Brazil iyo kooxda
real madrid, Endrick wuxuu wajahaya
caqabado aad u waween. Wuxuu seegay ciyaarihii hore eey u ciyaartay kooxda ee
dhamaan xilli ciyaareedkan, Sababo la xiriira dhaawac iyo tartan adag oo uu
kala kulmay xidiga reer France Kylian
Mbappé kazoo qadka kasaaray asagoo dhan kalifayna in xitaa 1 daqiiqo la
xasuusan waayo sababtana waa wacdarihiisa uu ka sameynaayo kooxda iyo Gonzalo García. Ilaa iyo hadda, ma
uusan ciyaarin wax kulan ah oo rasmi ah xilli ciyaareedkan xitaa 1 daqiiqo
allaha kadhigee, waana tan sababta ugu ween ee keeneysa in amah lagu diro
junuary waxaana laga doorbiday Kylian
Mbappé iyo Gonzalo García.
Qorshaha Amaahda
Real
Madrid ayaa diyaar u ah inay ogolaato in Endrick uu amaah ku tago si uu u helo
waqti ciyaareed dheeri ah. Qorshahan ayaa sidoo kale muhiim u ah inuu ka qayb
qaato Koobka Adduunka ee 2026, iyadoo Brazil ay doonayso ciyaaryahan firfircoon
oo diyaar u ah tartanka, Haduu qorshahaan uu suurta gali waayo oo
ciyaaryahankana boos kaheli waayo kooxda real madrid way adkaan doonta in looga
Waco xulka qaranka brazil sababtuna waa in macali walbo uu ubahanyahay ciyaaryahan
waqti kaheesta kooxdiisa si uu wadankiisa wax badan ugu qabto.
Kooxaha Xiiseynaya Amaahda Endrick
Waxaa jira kooxo badan oo xiiseynaya inay qaataan
Endrick amaah ahaan:
West Ham
United:
Kooxdan katirsan Premier League-ka ayaa ka fiirsaneysa inay Endrick ku darto
safkooda si ay u xoojiyaan weerarkooda. Iyadoo ay jiraan caqabado dhaqaale,
haddana xiisaha kooxda ayaa muuqda.
Aston Villa
iyo Tottenham Hotspur: Labadan kooxood ee katirsan Premier League-ka ayaa sidoo kale lagu soo
waramayaa inay xiiseynayaan Endrick, iyagoo u arka inuu yahay xiddig mustaqbal
leh oo ka caawin kara weerarkooda.
Marseille: Kooxdan katirsan Ligue 1 ee
France ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay qaataan Endrick amaah ahaan iyagoo u
arka inuu yahay xiddig mustaqbal leh oo ka caawin kara weerarkooda. si ay u
xoojiyaan weerarkooda.
Maxaa Ka Dhigan Amaahda Endrick?
Amaahda Endrick waxay muhiim u tahay
dhowr arrimood:
Waqti
Ciyaareed Dheeri ah:
Endrick wuxuu u baahan yahay inuu helo waqti ciyaareed si uu u horumariyo
xirfadiisa uguna diyaar garoobo tartamada mustaqbalka tasoo hadii uu real sii
joogo eey macquul u aheen in uu waqti ciyaareed.
Ka
Qayb Qaadashada Koobka Adduunka ee 2026: Si uu u noqdo mid ka mid ah xulkiisa qaranka ee Brazil,
Endrick wuxuu u baahan yahay inuu helo ciyaar joogto ah oo uu ku muujiyo
xirfadiisa iyo waxa uu yahay asaga iyo waxuu gali karo, tani waxay fursad usiin
kartaa in uu tuso waxa uu awoodo macalinkisii waqtiga siin wayey oo amini
waayey.
Horumarinta
Xirfadiisa:
Amaahda waxay siinaysaa Endrick fursad uu ku horumariyo xirfadiisa iyadoo uu ka
ciyaarayo horyaal kale oo adag tasoona eey macquul unoqonkarto in eey soo
jiidata xirfadiisa kooxdiisa oo uu qawti kawayey iyo xulkiisa in looga waco.
Gabagabo
Amaahda Endrick waxay noqon kartaa fursad muhiim u ah horumarkiisa
xirfadeed iyo ka qayb qaadashadiisa Koobka Adduunka ee 2026. Kooxaha xiiseynaya
qaadashada Endrick amaah ahaan ayaa u baahan inay tixgeliyaan xaaladda dhaqaale
iyo baahida kooxda ee xilli ciyaareedkan.

0 Comments