Erling
Haaland Oo Kusii Dhawaaday Rikoodhkii Taariikhiga Ahaa Ee Jamie Vardy
Erling
Haaland oo ku dhaw Rikoodh Taariikhi Ah
Xidiga
kooxda Manchester city iyo xulka qaranka Norway Erling Haaland ayaa sii wadanaya qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah
kadib markii uu gool dhalinayay 6
kulan oo xiriir ah Premier League. Xiddiga reer Norway oo xili ciyareed
cajiib ah qadanaaya iyo bandhigiisa cajiibka ah ayaa markale muujinaya sababta loogu yeero mid
ka mid ah weeraryahannada ugu halista badan adduunka waqti xaadirkaan.
Rikoodhkan
uu hadda ku jiro waxa uu u dhow yahay kii uu dhigay Jamie Vardy xilli
ciyaareedkii 2015/16, markaas oo Vardy uu 11 kulan oo xiriir ah gool
dhaliyay, halka erling haaland uu uu hada uu dhalinayo gool 6 kulan oo xiriir
ah, tasoo kadhigan in hadii uu sii joogteya bandhigiisa ciyaaraha soo aadan uu
gaari karo rikoodh kii vardy oo ah rikoodh wali aan la jebin ilaa maanta.
Haaland Iyo
Rikoodhka Premier League
Weerar yahanka
kooxda Manchester city Marka la eego wax qabadkiisa, Haaland waxa uu dhaliyay
in ka badan 100 gool tan iyo
markii uu ku biiray Manchester City sanadkii 2022. Waxa uu ku guuleystay Premier League Golden Boot, European Golden Shoe, iyo Treble (PL, FA Cup, Champions League)
xilli ciyaareedkii ugu horreeyay.
Maxaa Ka Dhiman Erling haaland?
Haaland waxaa la
filayaa inuu wajaho kooxo adag usbuucyada soo socda sida Arsenal, Aston
Villa, iyo Chelsea, kuwaas oo dhamaantood difaac adag leh. Haddii uu
sii wado qaab ciyarareed kiisan iyo bandhigiisan cajiibka ah , waxa uu heli
karaa fursad uu ku gaari akro ama ku jabin karo rikoodhkii taariikhiga
ahaa ee Vardy kazoo ilaa hada aan lajabin , waxaa jiro ciyaar yahano
dhoor ah oo hore iskuugu dayey rikoorkaan balse wali cid jabisay ama gaaartay
majirto waan arki doona haduu haaland gaari doono.
Pep
Goardiola oo ka hadlay haaland
Pep Guardiola oo ka
hadlaaya “weerer yahanka reer Norwey” ayaa hore u sheegay in Haaland “uusan
waligiis ku qanacsaneyn in uu hal gool
dhaliyo,” taasoo muujineysa in xiddigan uu doonayo in uu ka gaaro kubada cagta
heer sare uuna sare u qaado qaab ciyareedkiisa uuna doonayo inuu gaaro heerar cusub.
Gunaanad
Erling Haaland waa
ciyaar yahan aad u xirfad badan oo si joogto ah u jebiya rikoodhada aadna ugu
fududahay in uu dhigo rikoodh cusub. Haddii uu ku sii socodo qaabkan, waxaa
suurtogal ah in aan aragno rikoodh cusub oo Premier League ah oo lagu qoro
magaca Haaland.
Hadaan fikir kaaga ku weydiiyo Ma jebin doonaa Haaland
rikoodhkii Jamie Vardy ee 11 kulan oo xiriir ah?

0 Comments