Trent Alexander‑Arnold waxa uu sheegay in 100% diyaar u
yahay in uu “ku-laabto” garoonka Liverpool F.C. toddobaadka dambe.
Hordhac:
Waxaa la sheegay in
Trent Alexander-Arnold, oo hadda
ka tirsan Real Madrid ka dib markii uu kasoo tagay Liverpool in uu 100% diyaar u yahay inuu wajaho kooxdiisa
uu hore uga tirsanaa ee, Liverpool, toddobaadka dambe, sida ay wararka ka soo
baxaaya wargesyada ugu afka dheer Isbaanishka.
Trent Alexander-Arnold ayaa la sheegay inuu si buuxda u
bogsaday dhaawicii uu ladhibatonayey mudadii ugu dambeysay oo uu garoomada aga
maqnaa, islamarkaana diyaar u yahay in uu wajaho kooxda uu hore uga tirsanaa ee
Liverpool. Warbixintan waxay dib u eegi doontaa xaalada dhaawaca, waqtiga uu
kusoo noqon karo, iyo saameynta ay ku yeelan karto kulamada soo socdo
Xaalada
Dhaawaca iyo Soo Kabashada:
Trent
Alexander-Arnold waxa uu dhaawac ka soo gaaray kulanka ay Real Madrid la
ciyaartay Olympique de Marseille 16kii Sebtembar 2025, kadib dhowr daqiiqo oo
uu garoonka ku jiray, waxaa soo gaaray dhaawac tasoo kaliftay in garoonka laga
saaro oo uu ciyaarta siwadan waayo wuxuuna dhaawaca kaso gaaray seed-muruq ah
(hamstring).
Waxa laga arkay
warar kaimanaya ila lagu kalsonan karo oo sheegaya in habka bogsashada dhaawaca uu ku
socdo sidii loogu talagalay, waxaana la sheegay in uu rabo ama uu
bartilmaameedsanayo inuu ciyaaro kulanka ay Real Madrid wajihidoonto kooxda Liverpool.
Wararka ee iska soo
dawa baxaaya waxay tilmaamayaan ama
sheegayaan in kooxda caafimaadku ay rajo ka qabaan in Trent Alexander-Arnold uu
noqdo mid diyaar ah kulanka kooxdiisa eey la leedahay kooxdiisa hore ee Liverpool.
Maxay Tani aga Dhigan Tahay Kulanka:
Trent
Alexander-Arnold Haddii uu si dhab ah diyaar ugu yahay kulanka uu aga hortagaaya
kooxdiisa hore ee liverpool, tani waxay Real Madrid siin kartaa ama kasaacidi
kartaa xoog dhinaca dambe ah, maadaama Trent Alexander-Arnold uu yahay mid ku
halis badan dufaaca dhanka midig oona khibrad u leh heer sare uleh waxbadana hore
ugu soo qabsaday booskaas markuu katirsanaa kooxdiisa hore ee liverpool.
Dhanka
Liverpool-na, hadii aan qiimeyno wejiga uu kooxdaas ka tagay iyo sida
taageerayaasha qaarkood u arkeen doorashadiisa real madrid in uu ku qaldanaa oo
eey u aaminsanyihiin in uu qayaanay kooxda ayaa ka dhigaysa kulanka mid leh
xiisa gaar ah iyo asagoo dib ugu soo noqonaaya garoonkiisa hore ee Anfield.
Ka soo kabashada
deg-degga ah ee Trent Alexander-Arnold ayaa muujinaysa in kooxda caafimaad-tababarka Real Madrid eey
yihiin kuwa xirfad iyo garaad sareeya leh, taasoo cadeen u ah sida ay ula
tacaalayaan dhaawacyada muhiimka ah ee kooxda , tasoona kooxda kasaa cidi karto
in eey dhoqsa helaan ciyaartoyda muhiimka u ah kooxda si wax qabadka kooxda uu
joogta u noqdo.
Xusuusin Taariikhi ah:
Trent
Alexander-Arnold waxa uu ka soo baxay kooxdiisii hore ee Liverpool asagoo ku
jira fomkisii ugu wanagsanaa intuu kubada cagta kusoo jiray waliba kooxda iyo
taagerayaasha oo aad ujecel, halkaas oo uu ku helay ama ku sameynayey rikooro cusub malinba malinta kasii dambeysa,
wuxuuna ku biiray Real Madrid xagaagii 2025 hal kaan oo uu hada la
dhibaateysanyahay dhaawac iyo keed oo uu ugu jira carvejal.
Dhaawaca noocan oo
kale ah – seed-muruq hamstring – wuxuu inta badan qaataa dhowr toddobaad ilaa
laba bilood si buuxda loo soo kabsado, taasoo kadigeysaa wararka sheegaya inuu
“100% diyaar” yahay mid xiiso leh waana kazoo kabashadii ugu fududeed ee
seed-muruq Ayaan isdhihi karaa aniga ahaan fikirkeyga,Adiga seed u aragtaa
maxaadna ka aaminsantahay ?.
Gunaanad:
Haddii wararkaasi
ay noqdaan kuwo dhab ah, Trent Alexander-Arnold waxa uu markale ku jiri doonaa
spotlight-ka – markale garoonka Anfield, markale kooxda Liverpool ayuu wajihi
doona. Diyaargarowga uu ku jiro iyo xaaladda caafimaadkiisa ayaa kaliya noqon
doona mid lagu qiimeen doono marka kulanka la gaaro. Taageerayaasha, saxaafadda
iyo falanqeeyayaasha ciyaarta ayaa dhamaan sugaya in la arko sida uu “dib ugu
soo laabanayo” ciyaarta iyo sida uu saameyn ugu yeelan doono iyadoo kulanku uu
leeyahay xiisa gooni ah.

0 Comments