Latest Article

6/recent/ticker-posts

Ronald Araújo: Waan Sheegay Goolka Guusha, Waana Dhalshay........

Ronald Araújo: Markaan garoonka galayay  waxaan iri waan dhalinayaa goolka guusha:

Ronald Araújo oo dabaaldegaya goolka guusha ee uu ka dhaliyay Girona kadib hadal uu sii sheegay kahor ciyaarta.

Daafaca kooxda Barcelona Ronald Araújo ayaa shaaca ka qaaday sheeko qosol badan oo dhax martay asaga iyo ciyaartoyda kooxdiisa tasoo  dhacday kahor inta uusan garoonka soo galin kulankii ay kooxdiisu eey kaga adkaatay kooxda Girona, isagoo sheegay inuu sii sheegay inuu dhalin doono goolka guusha — balse ciyaartoydiisu ay ka qosleen eeyna kaliya taasi u qaateen kaftan.

sheekadii qosolka aheed ee  runta isku badashay: 

Ronald Araújo ayaa yiri “Markaan kulanka galayay, waxaan u sheegay saaxiibaday in haddii la i geliyo, aan dhalin doono goolka guusha… dhammaantood way iga qosleen oo waxay lanoqotay wax shactaro ah mana eey san aamin saneen inaan midaas sameen karo, Laakiin fiiri, warkeygii waa ka rumeeyey oo hadalkeyga dhab ayuu noqday.


Sheekadani waxay timid kadib kulankii Barcelona iyo Girona halkaas oo Araújo uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadihii ugu dambeeyay, isagoo u keenay kooxdiisa saddex dhibcood muhiim ah tartanka La Liga.


Ronald Araújo waa mid ka mid ah daafacyada ugu halista badan kubadda cagta marka ay timaaddo kubadaha rogaal celiska iyo madaxda. Inkastoo uu yahay daafac dhexe, haddana wuxuu leeyahay xoog, madax adag, iyo dhiiranaan ay adag tahay in lagu arko difaacyada kale tan ayaa muujineysa in xidiga reer Barcelona uu kamid yahay dufaacyada ugu halista badan kooxdiisa iyo caalamka oo dhan tan oona kor uqaadeysa qiimihiisa iyo mustaqbalkiisa in uu wanagsanadaan.

kulanka kadib iyo maxaa laga dhahay:

Kulankaas kadib Ronald Araújo, taageerayaal badan oo Barcelona ah ayaa ku amaanay baraha bulshada, iyagoo leh Ma aha oo kaliya inuu difaac adag yahay sidokale waa hogaamiye dhab ah oo usoo baxay kooxdeena.

gunaanad:

Hadalkii uu ka dhigay mid qosol badan ayaa noqday dhiirrigelin dhab ah, isagoo mar kale muujiyey  dadaalka adag ee Araújo uu u keeno Barcelona mar kasta oo uu garoonka joogo, Ronald Araújo ayaa yiri Mararka qaar waa inaad aamintaa naftaada — xitaa haddii dadka kale ay kuugu  qoslaan”.

Post a Comment

0 Comments