Manchester United vs Liverpool – Taariikhda Kulanka Ugu Xoogan Premier League
Darbiga ween ee u dhaxeeya Manchester united iyo Liverpool:
Taariikh kulaan waxaa guul badan Manchester united 73 halka Liverpool eey adkaatay 65,Sadaxdii kulan ee ugu dambeeyey 2 waxaa adkaatay Liverpool halka 1 na bareejo lagalay,baryahaan dambe kulankaan waxaa aad ugu awood badan Liverpool oo Manchester united waa la saaranyahay.
Tawabaraha Manchester waxuu yiri dadka dhan anaga way naga
shakinayaan balse marka sidaan oo kale noogala shakinaayo bilaa bareeshar baan
ciyaarnaa waana marka noogu dhaw ee aan badino oo aan soo bandhigno bandhigeena
ugu fiican.
Sidokale tawabaraha Liverpool ayaa ka hadlay asagana
ciyaartan waxuu yiri booska eey kaga jirto horyaalka Manchester iyo bandhigooda
isma lahan marka waa in aan isku tashanaa oo aan wax walba oo karaankeena ah
aan sameynaa oo aan ku guuleysan karno ciyaarta.
In kastoo Liverpool kaliya hal guul daro kazoo gaartay Manchester
united 14 kii ciyaar ee lasoo dhaafay 7 ayeey ka badiyeen hal 6na eey bareejo
lagaleen,guul daradaasna waxay aheed tii ka dhacday old traford agooste 2022, tan
ayaa muujineysa in baryahaan dambe laiska heesto kooxda Manchester united.
Manchester united wax guul ah kama eeysan gaarin 9 kii ciyaar
lasoo dhaafay premier league oo eey Liverpool kula soo ciyaareen garoonkeeda
anfield,markii ugu dambeysay oo eey anfield kusoo badiyaan waxay aheed junuary
2016 barigii uu watay luis phanhald.
Rikoorada Liverpool Kulamadii Ugu Dambeeyay
Kooxda Liverpool hadii manta aan wax guul dara ah eeysan kazoo
gaarin Manchester united waxay noqon doonan kooxdii 2 baad oo ugu yaraan 10
ciyaarood oo premier league Manchester united gurigooda guul ugu diida iney ku
gaaran tan iyo chalsea oo ku sameysay intii u dhaxeysay aguast 2002 ilaa 2012
stamd for bridg oo loogu diiday wax gool ah kooxda Manchester united.
Liverpool ayeey tahay in eey ka fogaadan in lagaraaco 3
ciyaar isku xigta premier legue tan iyo 2021 markaas oo 4 jeer isku xigta laga
badiyey.
Verts oo ah ciyaar yahan katirsan Liverpool oo ninka
seesankaan wax walba isku dayey hada aan sameynin xitaa hal caawin ama hal
gool,waa ninka 9 shuut sameeyey 11 jaanisna abuuray hal goolna aan ku heli iyo
hal caawin toona kan sanadkaan inkaarta heysato mayara dadaal uma yara hadana
nasiib kii ayuuba laheen.
Sidokale dhanka Manchester united ayadana waxaa ka inkaaran Bruno
fernandes oo siisoonkaan waa ninka janiska ugu badan sameeyey 19 jaanis tasoo
kabadan cidkasta hadan aan ku heysan wax caawin ah ama gool ah.
Mohamed Salah – Cadowga Rasmiga ah ee United
Mohammed salah ayaa ah ciyaaryahan aad ujecel Manchester united waxuu kadhaliyey 13 gool waxuuna ku caawiyey 6 gool marka tani waxay ka dhigan tahay waa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee tariikhda premier league soo mara ee hal koox kadhaliya ku lug lahaasho gool iyo caawin waxuuna ka heesta 19.salah oo baryahaan dambe bandhigiisa aad u liita oo xitaa 4 tii kulan ee ugu dambeysay wax gool ah aan dhanlin waan arki doona haduu galabta bandhigiisa dib usoo celiyo sababtoo ah asga aad buu u jecel yahay kooxda Manchester united.
Anfield: Caqabad Weyn oo Hortaagan Man United
Kooxda Manchester united 20 kii ciyaar ugu dambeysay oo eey la ciyaareen premier league kooxda Liverpool kaliya waxay adkaatay 4 kulan tabankii sano ee ugu dambeeyey tan waxay muujineysaa in eey tahay maradhac ween oo eey tahay in eey galabta iska soo af jarta ceebtaas iyo fadeexadaas.
Ruben amorim macalinka kooxda Manchester ayaa sheegay in eey
galabta laimaan doonan kaarto cusub oo eey ciyaari doonan kubadaha dhadheer
eeyna yareen doonan kubadaha gagaaban arintaasna uu ka cabin doono gool
hayahooda iyo laga kale ee qatarta badan oo hore u jooga sida mbuma iyo sisco
oo kale.
Markii ugu dambeysay oo eey anfield kusoo badiyaan Manchester
waxaa goolka guusha dhaliyey weyn rooney waxay aheed 2016 waana roonay oo tan
iyo markii guushas gaartay kadib ciyaaraha ka fariistay mareekanka aaday
tawabare noqday 4 jeer lacasilay kamaanu badin Liverpool.
Gool hayaha manta goosha ugu jiro lemmens 14 jir buu ahaa
markii ugu dambeysay Manchester united eey kusoo badiso garoonka anfield
mantana goosha ayuu ugu jiraa.
Guulaha Kulamada Hore: Yaad Guulo Badan Leh?
Tariikhda kulan kaan waxa wada ciyaaraya 2 koox oo min 20 horyaal heesta waana markii ugu horeysay premier league eey wada ciyaaraan 2 koox oo mid 20 horyaal heesta ,koob ahaan tariikhdo waxaa badan Liverpool 52 koob ayeey heestan halka Manchester united 47 eey heestaan.
.jpg)
0 Comments