Barcelona oo Dacwad Kale Gudbisay si Loo Qaado Ganaaxa Hansi Flick ka Hor Kulanka Weyn ee El Clásico!
Hordhac:
Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah mar kale u
gudbisay dacwad cusub oo ay u
dirtay Maxkamadda Maamulka Ciyaaraha ee
Spain, si ay u baabi’iso ganaaxa
tababare Hansi Flick, kaas oo laga mamnuucay inuu hoggaamiyo kooxda
kulanka weyn ee El Clásico ee ay
la ciyaarayaan Real Madrid
toddobaadkan, kulanka oo oo Barcelona eey dooneyso in eey guul ka keento ayaa
waxay ogaatay in guusha lahelaa eey muhiim tahay kahor in lahelaa macalinka
kooxda kazoo dhiirigalin buuxda u ah joogistiisa ciyaartoyda.
Kooxda Barcelona
waxay aaminsan tahay in ganaaxa Flick uu ahaa mid aan cadaalad ahayn, waxayna
sheegtay in ay hayaan caddeyn cusub oo muujinaysa in tababaruhu uusan si ula
kac ah u jebin xeerarka lagu eedeeyay, tan ayaa kadhigan in qareenada kooxda Barcelona
eey dadaal badan ku bixinayaan imaashaha kulan ween ee tawabaraha.
Sababta
Hansi Flick Loo Ganaaxay:
Ganaaxa
tababaraha Jarmalka ah ee kooxda Barcelona ayaa yimid kadib markii uu si adag
aga hadlay go’aan garsoore uu gaaray kulankii hore oo ay Barcelona la ciyaartay
Girone , isagoo lagu eedeeyay inuu “muujiyay dhaqan aan habboonayn” iyo
“hadallo aan ixtiraam lahayn” oo uu u jeediyay ama uu kuyiri garsooraha
ciyaartaas mamulayey tan ayaana keentay in laga ganaaxo ciyaarta ween ee al
clasico oo asaga iyo dhaman kooxdaba muhiim u ah.
Xiriirka
Kubadda Cagta Spain ayaa kadib goaan adag kazoo baxay ayagoo go ’aamiyay in
Flick laga ganaaxo hal kulan, taas oo micnaheedu yahay inuusan fadhiyi
doonin kursiga tababaraha ee garoonka marka Barcelona la ciyaarayso Real Madrid, tan
aya kadhigan in uusan maamuli doonin ciyaarta ween el classic oo kadhaceysa
garoonka kooxda real madrid ee Barnaibu oo uu ciyaarta kadaaban doono saqafka
kore waa hadii eey dacwada ku soo guuldareestaan qareenada kooxda barcelona.
Si
kastaba ha ahaatee, kooxda Barcelona ma aysan qaadan go’aankaas oo ma aysan
aqbalin goanka kazoo baxay xiriirka kubada cagta spain waxayna hadda gudbisay racfaan rasmi ah
oo ay ku dalbanayso in ganaaxa la joojiyo ka hor kulanka weyn, Adiga macula tahay
in laga aqbali doono Barcelona in dacwada lajoojiyo?.
El
Clásico oo Daba Socda Cadaadis Weyn:
Kulanka ween ee El Clásico oo ay wada ciyaarayaan Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah mid ka
mid ah dhacdooyinka ama kulamada loogu jacelyahay aduunka oo uguna xiisaha
badan kubadda cagta adduunka.
Markan, ciyaartu waxay imaaneysaa ama eey kusoo beegmeysaa iyadoo labada
kooxood ay si dhow ugu jiraan tartanka horyaalka La Liga, waxaana kaliya labo dhibcood u dhexeeya labada
naadi, tan Ayaan kulan sababeyso in uu xamashad said ah yeesho sababtuna waa in
kooxdi badisaa ama guuleysataa eey hogaanka horyaalka la liga lagalban doondo.
Real Madrid ayaa ku jirta kalsooni sare
kadib guulo xiriir ah oo ay ka heleen Champions League iyo horyaalka oo eey
hogaaminayaan hada ayaga iyo qaab ciyaareed aad u sareeya oo eey ku bilaawdeen
xili ciyaareedkaan.
Barcelona dhankeeda waxay rajeynaysaa
in Flick uu hoggaamiyo kooxda si uu u muujiyo qaab ciyaar fiican oo ay kooxda ugu
soo laabtaan tartanka horyaalka oo eey doonayaan in eey markale hogaanka
uqabtaan tartanka.
Haddii dacwadda
Barcelona lagu guuleysto, Flick wuxuu awoodi doonaa inuu garoonka ku hoggaamiyo
kooxdiisa waqtiga ay u baahan yihiin asaga uguna baahida badanyihin. Haddii kale, kaaliye waxaa ciyaarta hogaamin doono tababare
Oscar Hernández oo la filayaa in uu beddelo kulankaas tawabaraha
koowad, tan ayaana laga yabaa in eey hoos udhigta isbiiradka kooxda Barcelona oo
eey ciyaartoyda mooralkooda hoos udhaca sababtuna waa in hansi flick uu yahay
isbiiradka kooxda uuna muhiim said uyahay kulamada waween sida kulanka axada oo
kale ee el classico.
Hansi Flick oo Raad Ku Reebay Barcelona:
Tan iyo markii uu
xilka la wareegay, tawabare Hansi Flick
wuxuu ku guuleystay inuu dib u dhiso kalsoonida kooxda, isagoo dhiirrigeliyay
ciyaartoyda da’da yar sida Lamine Yamal,
Fermín López, iyo Pau Cubarsí.
Kooxdu waxay soo bandhigtay kubad degdeg ah oo cadaadis saaraysa cadowgooda,
taasoo taageerayaasha Barcelona ay si weyn u amaaneen, kooxda Barcelona kasaaciday
in eey xagaagi hore ku guuleestan koobab guulestaana ciyaara muhiim ah sida el classic
oo kale.
Laakiin maqnaanshihiisa El Clásico ayaa noqon kara tijaabo adag oo lagu
arki doono sida kooxda ay ula tacaasho xaalad culus oo niyadda ku dhisan.
Gunaanad:
Barcelona waxay si
adag u dagaalamaysaa si ay tababarahooda u aragto kursiga tababaraha kulanka El
Clásico ee Real Madrid. Go’aanka xirrika kubada cagta spain ayaa noqon doona
mid saameyn weyn leh oona noqon doono midka go’aamin kara in Flick uu garoonka
joogo ama uu daawado ciyaarta isagoo kursiga keydka ka mamnuucan.
Taageerayaasha adduunka oo dhan ayaa sugaya natiijada dacwaddaas
muhiimka ah ka hor ciyaarta weyn ee Madrid iyo Barcelona. Adiga fikirkaada maxaad kadhihi laheed goankaas?.

0 Comments