Lionel Messi ayaa Xukuma MLS 2025: Boqorka Mar Kale ayuu soo Laabtay
Messi Oo Qaab Ciyaareed Lama Arag Ah Kusoo
Bandhigay Inter Miami:
Lionel
Messi ayaa markale caddeeyay in uu yahay halyeeyga ugu weyn taariikhda
kubadda cagta kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ka sameeyay Major
League Soccer (MLS) 2025, isagoo burburiyay dhammaan rikoodhadii tartanka
oona dhamantood isku qoray asga, kadhigay kuwa cusub oo aan waligeed loo maleynaaya
in aan lagaariKarin.
Messi
oo u ciyaara kooxda Inter Miami CF, ayaa xilli ciyaareedkan si buuxda u
maamulay garoomada Mareykanka dhamantooda isagoo kusoo bandhigay qaab ciyaareed
cajiib ah oona ku dhammeystay tirooyin naxdin leh oo muujinaya heerkiisa aadka
usareeya.
Waxa
uu kasameeyey mls xili ciyareedkan lionel messi waa wax aan waxba laga qaban Karin
oo cajiib ah, Ninkaan ayaa lagu leeyahay waa oday ama muu duqoobay waxa uu
kasameynaaya kubada cagta dhalinyarada hada waqtigooda kujira xitaa kama sameen
karaan, messi waxuu naleeyahay dada waa number oo kaliya ee aniga dadeyda ima
joojinkarto.2025 iyo waxuu kasameeyey mls,
Goolasha
ugu badan:
31
Caawinta ugu badan: 19
Gool + Caawin (G/A): 48
Ciyaaryahanka Bisha ugu badan (POTM): 6
Fursadaha la abuuray: 32
Dribbles lagu guuleystay: 91
MVP 2025 (Ciyaaryahanka Sanadka MLS)
Golden Boot – Kabta Dahabka ah
Best Playmaker – Ciyaaryahanka ugu
hal-abuurka badan
Sidee
Messi aga Dhigay MLS Mid Caalami Ah?
Tan iyo markii uu
Messi yimid kooxda Inter Miami
sanadkii 2023 waxuu kuyeeshay sameen aad usareysa, saamayntiisu waxay dhaaftay garoomada,
wuxuu kor u qaaday sumcadda MLS oo dhan
waxuuna baray caalamka oo dhan, wuxuuna
soo jiitay malaayiin taageerayaal oo cusub oo Mareykanka ku nool kuwaas oo aan
hore uxiiseen jirin kubada cagta ama agtooda eey wax muhiim ah ka ahaan jirin balse
markey asaga arkeen hibadiisa cajiibka ah eey ku qasbanaadeen in eey garoomada
kusoo biiraan si eey ugu raaxeestaan qaab ciyareedkiisa cajiibka ah.
Waxaa kor u kacay dhaman ila daqli ee kooxda inter Miami waxaa kamid ah
wax yaabaha kor ukacay,
-Qiimaha tikidhada ciyaaraha Inter Miami oo laba laabmay.
-Daawadayaasha telefishinka iyo streaming-ka MLS.
-Xayeysiiska iyo ganacsiga kooxda Inter Miami.
Marka laga soo tago tirakoobyada, Messi wuxuu si joogto ah u
dhiirrigeliyaa ama tusaale joota uyahay da’yarta Mareykanka, isagoo la
wadaagaya khibrad iyo xirfad aad cajiib u ah oo dunida oo dhan laga jacelyahay.
Messi Iyo Mustaqbalkiisa MLS:
Xidiga reer
argentina ayaa heshiis cusub usaxiixay kooxda inter miami heshiiskaas oo
gaaraya ilaa 2028, tan ayaa kadhigan in aan sii daawan doona kubada cajiibka ah
ee messi 3 sano ee hada soo socoto,mar ayaa laislahaa wuu fadhiisan doona messi
koobka aduunka kadib balse in uu hashiis cusub saxiixo waa arin u farxad ah
kooxda inter Miami iyo tageerayaasha messi, sii joogistiisa kooxda inter Miami ayaa
ka dhigi doonta xiddigan reer Argentina wajiga kubadda cagta Waqooyiga
Ameerika.
Taageerayaal badan
ayaa rumeysan in Messi uu doonayo inuu ku guuleysto MLS Cup si uu u dhameystiro sheekadiisa Inter Miami
sababtuna waa in uu yahay waxa kaliya ee aga dhiman mareekanka iyo waxa kaliya
uu u qaadin wali kooxdiisa inter Miami, halka qaar kalena rumeysan yihiin inuu
doonayo inuu noqdo laacibkii ugu horreeyay ee ku guuleysta MVP iyo Golden Boot
laba xilli ciyaareed oo xiriir ah, tan haduu sameeyo waxay kadhigantahay
rikoodh cusub oo aan hore cidna aga sameen mareekanka.
Gunaanad:
Lionel Messi weli
waa mid kamid ah boqorka kubadda cagta haduusan aheenba
midka koobad, meel kasta oo uu tago,
wuxuu ka tagaa ama kureebaa raad aan la tirtiri karin. Xilli ciyaareedka 2025
ee MLS wuxuu noqday mid kale oo lagu xasuusan doono “Magic Messi”, oo mar kale
muujiyay sababta loogu yeero The Greatest
of All Time (GOAT).

0 Comments