Latest Article

6/recent/ticker-posts

Cristiano Ronaldo iyo Gooldhalintiisa Aan Joogsaneyn Ka Dib Markii Uu Gaaray dada 30 Jir.

Cristiano Ronaldo iyo Gooldhalintiisa Aan Joogsaneyn Ka Dib Markii Uu Gaaray dada 30 Jir.

Hordhac:

Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan aan da’du ka joojin Karin goolasha iyo guusha. Tan iyo markii uu gaaray da’da 30 sano, weeraryahanka reer Portugal wuxuu sii waday inuu dhaliyo goolal badan eeysan cidna umaleysaneen iyo in uu  jebiyo rikoodho badan, Tani waxay muujinaysaa heerka shaqadiisa adag iyo daryeelka jirkiisa uu usameeya oo ka dhigaya mid aan caadi ahayn oon lajoojin karin. Inkastoo da’diisu sii kordhayso, Ronaldo weli waxuu muujinaya ama cadeynayaa inuu yahay  mashiin goolal dhaliya ah oo aan la joojin karin.

Cristiano Ronaldo scoring goal for Al-Nassr at age 39.

Tan iyo markuu gaaray dada 30 jirka ah waxii kadambeeyey waxuu dhaliyey goolal badan waana tan sanad walba iyo inta gool uu dhaliyey 30 jir kadib.

Dada 30: 58 goals

Dada 31: 54 goals

Dada 32: 53 goals

Dada 33: 49 goals

Dada 34: 45 goals

Dada 35: 40 goals

Dada 36: 41 goals

Dada 37: 17 goals

Dada 38: 53 goals

Dada 39: 50 goals

Dada 40: 26 goals

Wadarta guud goolasha uu dhaliyey Cristiano Ronaldo waxay isku yihiin 486 gool tan iyo markuu noqday 30 jir.

 

Ronaldo: Halyeega aan waqtiga iyo dada celin:

Cristiano Ronaldo ayaa mar kale muujiyay in da’du aysan caqabad ku noqon karin cayaaryahan leh go’aan adag iyo niyadda eeysa guushana ka celin Karin dada. Wuxuu goolal kusoo dhaliyay kooxo kala duwan sida kooxda  Real Madrid, Juventus, Manchester United, iyo Al-Nassr,  isagoo weliba ku sii kordhinaya  oo kor ugu sii qaadaya tiradiisa goolasha sidokale waxuu goolashiisa sare ugu sii qadaa oo uu kusii badiyaa xulkiisa qaranka Portugal.

Markii uu gaaray dada 38 iyo 39 sano, Ronaldo wuxuu si la yaab leh dib ugu soo laabtay heerkiisii ugu sarreeyay ee kubada cagta asagoo isu muujiyey sidii cunug dhalanyara ah ee 30 aan gaarin oo kale, isagoo mar kale noqday xiddigta ugu goolasha badan kubadda cagta 2024, taas oo caddeyneysa in maskaxdiisa sareysa tartanka adag ee uu kujiro iyo daryeelka jirkiisa ay yihiin kuwa aan la mid ahayn ciyaartooyda caadiga ah.

Sirta Guusha ee Ronaldo:

Jimicsi joogto ah iyo cunto caafimaad leh

Ronaldo wuxuu caan ku yahay nidaam adag oo jimicsi iyo nafaqo ah, taasookeentay inuu weli leeyahay jir 25 jir u eg oo aad ula cajabeysid.

Maskax tartan leh

Ronaldo wuxuu leeyahay rabitaan guul oo aan la joojin karin. Xitaa marka uu dhaliyo goolal badan, wuxuu rabaa in uu sameeyo wax ka badan oo uu noqdo midka ciyaarta kasameyey wax walba kuna guuleestay wax walba.

Qaab nololeed iyo hurdo nidaamsan

Wuxuu seexdaa dhowr jeer maalintii si uu u ilaaliyo firfircoonida murqihiisa iyo maskaxdiisa.

Ronaldo iyo Mustaqbalkiisa 40+

Markuu 40 sano jirsaday 2025, Ronaldo wali waa ciyaaryahan joogteya guushisa waana  gooldhaliye joogto ah oo u ciyaara kooxda Al-Nassr ee kadhisan horyaalka Saudi Pro League. Waxaa la filayaa inuu sii wado ciyaarista kubada cagta ilaa 41 ama 42 jir, isagoo rajeynaya inuu ka qeyb galo tartanka Euro 2028 si uu qarankiisa Portugal isugu daya inuu kula guuleesta ama ugu yaraan ka fariisto isagoo jebiyay rikoodhyo dheeraad ah oo hada wali u harsan.

Gunaanad:

Cristiano Ronaldo waa tusaale dhameystiran uyahay oo uu muujinaya sida go’aanka adag, shaqada adag iyo daryeelka jirka ay qofka ku sii hayaan heerka ugu sarreeya xitaa marka da’da laga gudbo. Wuxuu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta, waana halyeey aan la ilaawi doonin,  waxaana lagu xusuusan doona goolal, hogaamin, iyo halgan joogto ah oo uu ugu jiro horumarka naftiisa iyo rumeenta riyooyinkiisa kubada cagta uu kalahaa.



Post a Comment

0 Comments