Kevin De Bruyne Oo Ka Maqnaan Doona Bilaha Soo Socda Kadib Markii Uu Dhaawac Soo Gaaray.
Hordhac:
Dhaawaca
uu la kulmay Kevin De Bruyne:
Intii
lagu guda jiray kulankii adkaa ee u dhexeeyay kooxaha Napoli iyo Inter Milan
Sabtidii hore, kevin De Bruyne ayaa si lama filaan ah dhaawac u soo gaaray
isagoo qaadayay ama tuurayey rikoodhe
eey kooxdiisa heshay kulankii inter milan. Kadib markii Baaritaanno caafimaad
ay sameyeen dhaqatiirka cafimadka ee kooxda Napoli ayay xaqiijiyeen in uu qabo dhaawac
heer sare ah oo ku yaalla muruqa “biceps femoris” ee bowdada midig, taas oo
la micno ah in uu garoomada wax badan ka
maqnaan doono oo ilaa bilo badan ah.
Dhakhaatiirta
kooxda Napoli ayaa xaqiijiyay in la filayo in uu ugu yaraan maqnaado inta u
dhaxaysa 3 ilaa 5 bilood, iyadoo uu u baahan doono daawayn joogto ah iyo
tababar gaar ah si uu dib ugu helo heerkiisii ciyaareed. Tan ayaa kadhigan in
kevin de brunye uu wajhaaya xaalad adag oo mustaqbalkiisa hoos udhac ween ku ah
riyadiisa kubada cagta ee kooxda Napoli.
Saameynta
uu dhaawacani ku yeelan doono Napoli & Belgium:
De Bruyne, oo ahaa
laf-dhabarta khadka dhexe ee kooxda Napoli tan iyo markii uu yimid xagaagii
hore 2024, wuxuu ahaa ciyaaryahan muhiim ah oo sameen ween kuleh kulamada waaweyn kulamada waween oo eey kooxda
ciyaarto.
Dhaawaciisa wuxuu
dhibaato ku yahay kooxda Napoli iyo xulka qaranka Belgium , waxuu gaar ahaan
kuleeyahay sameen kooxda iyadoo ay soo dhowdahay ama kusoo fuudleeyihiin kooxda
ciyaara adag iyo natiijooyin muhim u ah kooxda oo Serie A iyo Champions League
kala ah eeyna muhiim tahay kooxda ineey guula kagaraan ciyarahaas si eey aga
soo gudbaan group stage ka champions league iyo si ay u dufaacdaan horyaal
serie A. Dhanka kale, xulka Belgium
ayaa sidoo kale ka walaacsan xaaladdiisa maadaama ay sugayaan in uu diyaar u
noqdo kulamada isreeb-reebka Euro 2026.
Farriin Taageerayaal badan ka imaneysa:
Taageerayaasha kooxda
Napoli iyo kulka qaranka Belgium ayaa
baraha bulshada ku faafiyay farriimo taageero ah oo ay u dirayaan lacibkooda oo
ay niyada ugu dhisayaan kuna dareen siinayan iney jacel u qabaan asaga iyo
kubadiisa quruxda badan, fariimahey badan kooda usoo dirayeen waxaa kamid ah sida:
“Get well soon, KDB! Football needs you back.”
“We’ll wait for you, maestro.”
De Bruyne ayaa isna bartiisa Instagram
kusoo qoray sida tan:
“It’s part of the game, I’ll work hard to come back stronger. Thank you
for all your messages.”
Adiga ahaan maxaad
u rajeyneysaa laabka kooxda Napoli ee kevin De Bruyne?.
Gunaanad:
Inkastoo dhaawacu yahay mid culus, haddana Kevin De Bruyne ayaa caan ku ah adkeysiga iyo soo kabashada degdegga ah tasoo farxad galineysa kooxdiisa iyo wadankiisa 2 badaba . Taageerayaal badan ayaa rumeysan inuu si xooggan ugu soo laaban doono qeybta labaad ee 2025-2026, si uu u caawiyo kooxdisa Napoli iyo wadankiisa Belgium.

0 Comments