Lionel messi: “Ciyaartoy badan waxay ku mashquulaan rikoodhada shaqsiga ah” — Halyeeyga reer Argentina oo fariin muhiim ah diray
Hordhac:
Lionel
Messi, kabtanka xulka Argentina iyo xiddiga kooxda Inter Miami,
ayaa mar kale muujiyay falsafadiisa ciyaareed ee ku dhisan is-hoosaysiin iyo
shaqoda kooxda oo diirada lasaaro. Wuxuu sheegay in ciyaartoy badan ay ku
mashquulaan in ay jabiyaan rikoodho
shaqsi ah, taasoo mararka qaar ka leexisa ujeeddada ugu weyn ee ciyaaraha tasoo
ah guusha kooxdooda.
Hadalkii
Messi:
kabtanka xulka Argentina
iyo xiddiga kooxda Inter Miami Lionel Messi ayaa yiri: “Ciyaartoy badan
waxay noqdaan kuwo ku mashquula rikoodho shaqsi ah si ay udhaafi la haayeen ama
ugaari la haayeen. Balse Waxay hilmaamaan ujeeddada ugu weyn, taas oo ah in
kooxda guuleysato. Si rikoodho loo jebiyo, hadii aad dooneyso in aad rikoodha
jabisid kooxda waa inay marka hore
guuleysato kadib ayaad adigana guuleysan kartaa oodna rikoodha jabin kartaa.”
Erayadan Messi ayaa
noqday kuwo si weyn ugu faafay baraha bulshada oo dhamaan dadka xiiseya kubada
cagta ay ka wada halayaan ama soo wada qadanayaan, gaar ahaan isaga waa
ciyaaryahan si weyn ugu guuleystay rikoodho
badan oo dunida kubadda cagta ah — balse had iyo jeer waxa uu xasuusiya
taageerayaasha in guusha kooxda ay ka muhiimsan tahay midda shaqsiyeed oo mar walba
ciyaaryahanka uu number kow kadhigtaa.
Falsafadda Messi ee Ciyaaraha:
Messi ayaa caan ku
ah in uu yahay ciyaaryahan aan kibir badan lahayn, isagoo inta badan amaana
asxaabtiisa garoonka. Messi oo ah ciyaaryahan wax badan kusoo guuleestay oo ay
kamid yihiin kuwa hoos ku xusan,
Wuxuu ku guuleystay 8 Ballon d'Or, tan oo lafilaaya inay tahay rikoodh aan
waligiis lagaari doonin.
In ka
badan 40 koob xirfaddiisa, oo uu
ku noqday ciyaryahanka ugu koobabka badan aduunka.
Iyo
inuu yahay kan ugu goalasha badan ee taariikhda kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina.
Si kastaba ha ahaatee xidiga kooxda inter Miami iyo xulka qaranka
Argentina, hadalladiisa ayaa muujinaya in uu weli rumeysan yahay in kooxda oo dhan ay tahay sababta guul
kasta oona mar walba kooxda muhiimsantahay ay san muhiim aheen keliya hal
ciyaaryahan guushiisa.
Saameynta Hadalka Messi:
Hadalkan ayaa ku
soo beegmaya xilli kubadda cagta casrigan hada aan joogno ay si weyn u noqotay
meel rikoodhadu muhiim ka yihiin, Sida tirada goolasha, caawinta, iyo
abaalmarinta shaqsiga ah. Messi wuxuu xasuusinayaa ciyaartoyda da’da yar iyo
taageerayaasha in guusha kooxda
ay tahay tiirka ugu weyn ee horumar kasta, hadii ay kooxda guul dareysatana
aysan waxba macna ah yeelaneen guusha shaqsi kamid ah kooxda uu gaaray ayna
adag tahay in uu abaalmarino ku helo.
Koox kasta oo guuleysata, sida kooxda Barcelona xilligii Pep
Guardiola uu macalinka u ahaa ama Argentina
ee 2022 ku guuleysigoodii koobka aduunka, waxaa lagu dhisay is-faham, kalsooni, iyo wadajir oo uu astaan iyo
hormuud u yahay ama u ahaa Lionel Messi.
Messi iyo Saameynta uu ku leeyahay Inter Miami
(MLS):
Tan iyo markii uu
Messi ku biiray Inter Miami CF
bishii July 2023, kubadda cagta Mareykanka (MLS) waxay gashay heer cusub oo
caan ah.
Wuxuu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato Leagues Cup 2023, oo ah koobkoodii ugu horreeyay taariikhda
kubada cagta.
Messi wuxuu noqday xiddigii ugu
saameynta badnaa ee soo mara MLS, isagoo kordhiyay taageerayaasha,
daawadayaasha TV-ga iyo qiimaha suuqa ee horyaalka. Korna u qaaday dhamaan dhaqaliga
ama dhaqaalaha kooxda Inter Miami sida tigidhada garoonka,finaanadaha kooxda,iyo
wax yaabo kale oo badan.
2025, wuxuu hoggaaminayaa kooxdiisa isagoo ah kabtan iyo gooldhaliye sare, isla markaana dhiirrigeliya
ciyaartoyda da’da yar ee Mareykanka.
Marka uu fariintan ku saabsan “rikoodhada shaqsiga ah” sheegayay, waxaa
la rumeysan yahay inuu ula jeeday dhalinyarada badan ee hadda ku soo biiraya MLS, isagoo u diraya fariin ah in guusha
kooxda ay tahay jidka kaliya ee lagu gaaro taariikh dhab ah oo guula kusaleysan.
Gunaanad:
Kaptanka xulka
qaranka argentine Lionel Messi mar kale wuxuu caddeeyay sababta loogu yeero xiddiga ugu dhameystiran kubadda cagta.
Inkastoo uu jebiyay rikoodho aan tiro lahayn, hadana wuxuu mudnaanta siiyaa guusha kooxda iyo wadajirka.
Fariinta Messi waa mid aan kaliya quseyn ciyaartoyda, balse sidoo kale
dadka caadiga ahna quseysa, guusha dhabta ahi aysan ku jirin keli ahaanshaha,
balse ay ku jirto wada shaqeyn iyo taageero.
Peace and love for all (Thanks)
welcome Again and follow us.

0 Comments