Latest Article

6/recent/ticker-posts

Xabi Alonso iyo Ciyaartoyda Real Madrid: Xiisad Kadhax Jirta Garoonka iyo Qolka Labiska kooxda.

 Xabi Alonso iyo Ciyaartoyda Real Madrid: Xiisad Kadhax Jirta Garoonka iyo Qolka Labiska kooxda.

Hordhac:

Xiisadaha ka Soo Baxaya Gudaha kooxda Real Madrid:

Xabi Alonso iyo ciyaartoyda Real Madrid oo wajahaya khilaafyo gudaha kooxda.

Warbixin uu daabacay wargeeskaThe Athletic ayaa shaaca ka qaaday in xiisado qilaaf  ka dhex dhasheen Xabi Alonso iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda Real Madrid. Ilo gudaha ah ayaa sheegay in dhowr ciyaartoy ay muujiyeen ka xumaansho ku saabsan habka uu macalin xabi Alonso u maamulo kooxda, gaar ahaan isbeddellada uu ku sameeyay kooxda tan iyo markii uu xilka tababarenimo ee kooxda real madrid uu  qabtay xagaagii 2025.

Isbeddelladii Uu Sameeyay xabi Alonso:

Tan iyo imaatinkiisa, Xabi Alonso ayaa soo kordhiyay nidaam ama taatiko cusub oo ciyaareed — 3-4-2-1 — kaasoo lagu beddelay qaabkii hore ee ay ku caan baxday kooxda real  Madrid ee ahaa 4-3-3. Inkasta oo qaabkan cusub uu keeno fursado ciyaareed oo xiiso leh iyo dhibca muhiim ah, ayaa haddana ciyaartoyda qaarkood sida: Federico Valverde iyo Dani Carvajal ayaa si ween aga walaacsan doorkooda cusub ee kooxda iyo sida uu tababaruhu u doonayo inay ka ciyaaraan boosaska aysan ku qanacsanayn. Kuwaas oo mararka qaar laga ciyaarsiiyo boosaskooda meelan aheen.

Xabi Alonso iyo Ujeedadiisa Cad:

Si kastaba ha ahaatee, Xabi Alonso ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in isbeddelladiisu yihiin kuwo lagama maarmaan u ah horumarinta kooxda real mardid, si uu kooxda real Madrid ugu celiyo heerka sare ee Yurub iyo awoodii xooga badneed ay kooxdu laheed. Tababaraha reer Spain ayaa doonaya inuu dhiso koox leh nidaam casri ah oo ku dhisan xakamaynta kubadda iyo cadaadis joogto ah. Si kooxda hormar lataaban karo ugaarto.

Xogta laga helayo gudaha xarunta Valdebebas (xerada tababarka kooxda real Madrid) ayaa tilmaamaysa in Alonso uu si adag u ilaalinayo mabda’iisa iyo dhamaan sharciyadiisa, isla markaana aanu u joojin doonin ciyaartoyda aan ku qanacsanayn oo uu tiisa iyo tan kooxda kaliya fiirin doono.

Jawaabta Ciyaartoyda kooxda real madrid:

Inkastoo xiisaddu wali ay jirto, qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda real madrid sida Jude Bellingham iyo Arda Güler ayaa si buuxda u taageeraya tawabare xabi Alonso, iyagoo aaminsan in nidaamkiisa cusub uu keeni doono guulo mustaqbalka dhow ah. jude Bellingham ayaa dhowaan kahadlay macalinkiisa kooxda real madrid ayaa yiri  “Xabi alonso waa tababare aragti dheer leh, wuxuuna naga doonayaa inaan noqono kuwo awood badan marka aanan haysan kubadda.” Sidokale waxuu naga doonaya inaan noqono kuwa udagaalamo guusha kooxda.

Gunaanad:

Haddii xaaladda aan la xalin, waxaa laga yaabaa in xiisadahaasi ay saameeyaan wax yaabo badan oo kooxda muhiim u ah sida jawiga qolka labiska kooxda iyo waxqabadka kooxda ee tartamada waween sida La Liga iyo Champions League. Si kastaba, maamulka kooxda Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inuu wali si buuxda u taageerayo macalin Alonso, isagoo lagu qiimeeynayo mustaqbal fog oo uu dhisayo koox cusub oo jiil cusub ah.



Post a Comment

0 Comments