Xabi Alonso Oo Ku Dhawaaqay In Eduardo Camavinga Uu Noqday Tiir Muhiim Ah Oo Ka Mid Ah Mashruuciisa.
Hordhac:
Tababaraha
kooxda Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa si weyn u amaanay Eduardo
Camavinga, isaga oo ku tilmaamay xubin muhiim ah oo ka mid ah
mashruuciisa cusub ee kooxda real madrid. Sida ay werisay majalada ween ee Diario
AS, macallinka cusub ee Madrid ayaa aad uga qancay qaabka uu da’yarka xulka
qaranka france u ciyaarayo, isagoo u arkaya inuu yahay mid ka mid ah
ciyaartoyda mustaqbalka fog ee kooxda ku dhisanan doonto.
Camavinga
– Da’yarka Qiimaha Leh Ee Ka Dhisatay Kalsoonida Bernabéu:
Tan iyo markii uu
kaga yimid Rennes sannadkii 2021, Camavinga wuxuu noqday mid ka mid ah
ciyaartoyda ugu firfircoon ee kooxda. Waxaa lagu yaqaanaa in uu si fudud ugu
ciyaaro meelo kala duwan – sida qadka
dhexe (CDM), garabka bidix, iyo xitaa booska daafaca bidix ee uu marar
badan ka buuxiyay kooxda real madrid kana caawiyey baahida booskaas marar badan.
Waxqabadkiisa joogtada oo uu kumuujiya garoonka iyo kartidiisa aadka u sareysa oo difaaca iyo
weerarka iskugu dhafan ayaa ah waxa uu macalinka kooxda real madrid Xabi Alonso uu ku arkay “Eduardo Camavinga
isaga waa ciyaaryahan dhameystiran oo naadir ah inta badana aan lahelin asaga
oo kale hadii lahelana ay tahay tira aad uyar.”
Xabi Alonso Oo Ku Ammaanay Camavinga Dadaal iyo
Akhlaaq Ciyaareed Sare:
Warbixinta Diario AS ayaa sheegtay in tababarka kooxda Madrid uu si gaar ah ugu amaanay
Camavinga, isagoo sheegay in uu yahay “ciyaaryahan aan cabasho lahayn,
u heellan, oo si joogto ah u hagaajinaya qaab ciyaareetkiisa una soo soo
bandhigaaya xirfadiisa kubada cagta.”
Xabi Alonso ayaa u arka Camavinga inuu yahay mid uu
ku dhisi karo qadka dhexe ee mustaqbalka kooxda real Madrid kadib
kabixistii kooxda ee lagamadii hore Toni Kroos iyo Luka Modrić kuwaas oo wax
badan soo maamulayey khadka dhaxe ee kooxda real madrid muda badan waxbadana
lasoo qabsaday kooxda, koobab badana kula soo guulestay. Dadka qaarna ay ka
aaminsanyihiin iney yihiin khadkii dhaxe ee soo mara kooxda real madrid kuwii
ugu fiicnaa in ay ahaayeen. Sababtana waa in ay kula soo guuleesteen kuubadan
sida koobka ween ee champions league oo ay min 6 ka heestan labaduba.
Camavinga & Mustaqbalka kooxda Real Madrid:
Xidiga xulka qaranka
French Camavinga waa 25 jir
(2025), wuxuuna hore u muujiyay in uu doonayo inuu sii joogo Santiago Bernabéu
oo ah garoonka kooxda real madrid muddo dheer. Waxaa sidoo kale la filayaa in
uu qayb ka noqdo qorshaha cusub ee Alonso ee lagu cusboonaysiinayo kooxda oo ay
qayb ka yihiin Bellingham, Valverde,
Tchouaméni, iyo Arda Güler. Isagoo loolan adag kala kulmi doono xidiga
dada yar ee kooxda joogo si uu boos aga dhacsado.
Marka la eego sida uu u ciyaarayo iyo sida uu uga go’an yahay mashruuca
Alonso, Camavinga wuxuu noqon karaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha cusub ee Real Madrid sanadaha soo socda
hadii uu sidaan usii joogteeya bandhigiisa uuna sii heesto kalsoonida tawabare Alonso.
Gunaanad:
Waxqabadka Eduardo
Camavinga ayaa si buuxda u soo jiitay tawabare Xabi Alonso iyo dhamaan shaqaalaha
farsamada ee kooxda Real Madrid. Inkasta oo kooxda ay leedahay xiddigo waaweyn,
haddana da’yarkan reer Faransiis ayaa kamid noqday ciyaartooyda muhiimka ah ee
lagu dhisayo mustaqbalka kooxda Real Madrid.
Camavinga wuxuu u muuqdaa mid diyaar u ah inuu noqdo maskaxda dhexe ee cusub ee Los Blancos,
waxaana taageerayaashu ka filan karaan wax ka badan sanadaha soo socda.

0 Comments