Latest Article

6/recent/ticker-posts

Arteta oo amaanay Gyökeres & Guardiola oo ka hadlay Jack Grealish iyo foomkiisa cusub..


Arteta oo amaanay Gyökeres & Guardiola oo ka hadlay Jack Grealish iyo foomkiisa cusub.

Hordhac: Arteta oo ka hadlay Gyökeres:

Tababare Mikel Arteta ayaa muujiyay qanacsanaantiisa ku aaddan sida Vitor Gyökeres uu uga qeyb qaatay kooxda Arsenal,tan oo dhiiligalin ween siineysa ciyaaryahanka kooxda arsenal ee vitor gyokeres si uu sare ugu qaado bandhigiisa kooxda arsenal.

Vitor Gyökeres oo kubadda haysa intii uu u ciyaarayo Arsenal, iyadoo macalinkiisu Mikel Arteta uu muujinayo qanacsanaan buuxda.

Mikel arteta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay waxa uu kooxda usameeyey ama uu siiyey vitor gyokeres kooxdiisa arsenal ,waxuu kaloo sheegay inuu karabo ciyaaryahanka weerarka ha sharuud muhiim ah.

Vitor gyokeres waxaan usheegay Kahor kulankii ugu horreeya ninka aan doonayo inuu noqdo ,sidokale waxuu sheegay in uu ka doonayo in uu ka gudbo marka uusan gool dhalin muda lix ama sided kulan ah oo eyesan unoqon niyad jab ,hadii uusan sidaas sameen Karin oo uusan awood ulaheen in uu kagudbo waa in uu meel kale iska aadaa ama iska raadsadaa aniga ima anfacaayo.

Tani waxay muujineysaa sida Arteta uu u qiimeeyo adkaysiga iyo maskaxda ciyaaryahanka, ee in uusan qiimeen  kaliya gool dhalinta. Gyökeres ayaa hadda fursad weyn u helaya inuu muujiyo xirfadiisa iyo dulqaadkiisa tanina waxay utahay ciyaaryahanka reer Sweden fursad ween oo eey tahay in uu ka faaideesto oona u horseedi karto in uu xirfadiisa ku kasbado dhaman taageera yaasha kooxda arsenal iyo dhamaan madaxda kooxda Arsenal.

Tan ayaa u muuqata in wali macalinka kooxda arsenal mikel arteta uu fursad ween siina ciyaryahankiisa uuna kadulqaadaya cadaadiska eey warbaahinta iyo falanqeeyayasha saarayaan si uu waqti ugu helo in uu kooxda si buuxda ula qabsada tani waxaan isdhihi karnaa waa ciyaar maskaxeed uu dheelaya arteta si uu bareesharka u yareeyo.


Guardiola oo ka hadlay Jack Grealish iyo foomkiisa cusub.

hordhac: Guardiola oo ka hadlay Jack Grealish:  

Tababare Pep Guardiola ayaa ammaanay Jack Grealish, isaga oo tilmaamay sida uu ciyaaryahanku saameyn weyn ugu yeeshay Everton tan iyo markii uu ku biiray,jack grealish ayaa aad isku muujinaya tan iyo markii uu kubiiray koooxda everton isagoo boos joogta ah kahelay halkaas kuna soo bandhigaaya xirfadiisa mida ugu wanagsan.

Jack Grealish oo ciyaaraya Everton, kadib markii uu helay fursad uu ku soo bandhigo xirfadiisa, iyadoo Pep Guardiola uu ammaanay horumarkiisa.

Grealish ayaa ka helay fursad uu ku ciyaaro, taas oo ahayd waxa uu rabay oo uu ka waayey kooxdiisa hore Manchester city tan iyo markii uu kazoo tagay city Wuxuu bilaabay inuu ciyaaro oo uu daqiiqado helo, taas ayaa ah waxa uu rabay oo uu aga tagayey city.

Guardiola wuxuu xusay in sababo kala duwan uu Grealish u helin daqiiqado badan xiligisii city ee uu macalinka u ahaa , Laakiin hadda, Guardiola wuxuu caddeeyay in Grealish uu dib ugu soo laabtay foomkiisa saxda ah ama shaqadiisa dhabta ah uuna diyaar uyahay in uu booskiisa udagaalamo hada xul iyo kooxba.

Tani waxay si cad umuujineysaa in Grealish uu diyaar u yahay inuu saameyn muuqata ku yeesho kooxda everton, isla markaana uu diyaar u yahay inuu bixiyo ama muujiyo waxqabadkiisa ugu fiican ee xili ciyaareedkaan uuna kooxdiisa ka caawo dhaman tartanada eey ka qeeb galeyso.

Post a Comment

0 Comments