Latest Article

6/recent/ticker-posts

Erling Haaland oo cawa nawalay , Enzo Fernández oo dhawac laga sheegaya iyo Eden Hazard oo dib ugu labtay Stamford Bridge….

Erling Haaland oo cawa nawalay , Enzo Fernández oo dhawac laga sheegaya iyo Eden Hazard oo dib ugu labtay Stamford Bridge….

Wararka caawa iyo maxaa cusub:
𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈: Wararka kaimanaya ila lagu kalsonyahay ayaa sheegaya in Erling Haaland ayaa ku guuleystay ciyaaryahanka ugu fiican (MAN OF THE MATCH) ee Norway kadib markii uu dhaliyay saddex gool (hat-trick). Dabcan.
Sidokale Erling Haaland ayaa hada dhalinaaya gool 10 kulan oo xiriir ah.

𝐖𝐀𝐑 𝐃𝐄𝐆 𝐃𝐄𝐆: warar kaimanaya ila lagu kalsonyahay ayaa sheegaya in  Enzo Fernández uu  ka tagay xerada xulka Argentina sababo la xiriira 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐫 𝐣𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚
Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea ayaa dib ugu laabanaya London si eey   baaritaano ugu sameeyaan  kooxda caafimaadka ee Chelsea  ka hor kulamada soo socda.

Warar kaimanaya fabrizo romano ayaa sheegaya in Joan Garcia oo gool hayaha Barcelonaayaa sheegay uu u baahanahay qiyaastii hal bil si uu u soo kabto waxuu sheegay in haatan xalada eey caadi usocoto.

 

Wararka kaimanaya premier league ayaa sheegaya in Eden Hazard uu dib ugu laabtay  Stamford Bridge.

Warar ayaa sheegaya in caawa kulan kadhacay stamfort bridge haklaasi oo caawa uu kadhacayey kulan udhaxeeya odayaasha kooxda Chelsea iyo odayaasha kooxda Liverpool ciyaartaas oo kadhacday stamfort bridge kuna soo idlaatay 1-0 halkaasi oo eey guusha ku raacday kooxda Liverpool.


Warar kaimanaya Daily mail sport ayaa sheegaya in Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, uu mar kale caddeeyay go’aankiisa ahaa inuu diido guuritaanka £100 milyan ee Sacuudiga xagaagii hore, isagoo ku adkaystay in sababta aysan ahayn hal arrin oo kaliya.

Fernandes, 31 sano jir, ayaa noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda koowaad ee Manchester United tan iyo markii uu 2020 kasoo yimid Sporting Lisbon — waxaana muddo dheer lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan kooxda xilli ay hoos u dhac ku jirtay maamulka Ole Gunnar Solskjaer, Ralf Rangnick, Erik ten Hag iyo ugu dambeyn Ruben Amorim.

Red Devils, oo si xun uga dhamaatay kaalinta 15-aad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, ayaa sidoo kale bilowga xilli ciyaareedkan la kulmay bilow niyad jab leh iyadoo kooxda Amorim ay guul ka gaadhay in ka yar kala bar todoba kulan ee furitaanka horyaalka, isla markaana hore uga baxday Carabao Cup kooxda Grimsby Town oo ka tirsan League Two kadib ganaaxyo.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa lala xiriiriyay guur weyn oo lacag badan ku baxaysa xagaagii hore ee Sacuudiga, laakiin wuxuu doortay inuu mustaqbalkiisa ku hibeeyo Manchester United, halkaas oo uu ka haysto labo sano oo heshiiskiisa ka harsan.

Sidokale  fabrizo romano ayaa sheegaya in Fursadaha ugu badan ee la abuuray Premier League afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay uu abuuray xidiga reer portugal ee bruno fernandes.

 2022/23 – Bruno Fernandes (119)
 2023/24 – Bruno Fernandes (114)
 2024/25 – Bruno Fernandes (91)
 2025/26 – Bruno Fernandes (19)*

Bruno Fernandes uu ahaa ciyaaryahanka ugu hal-abuurka badan afar xilli ciyaareed oo isku xiga.


Post a Comment

0 Comments