Jude Bellingham oo afka furtay iyo Dawacyo laga soo sheegaya ciyaryahana badan sida Ibrahima Konaté, Mastantuono iyo Mbappé….
Warar galabta iyo maxaa cusub:
Warar ka imanaya Daily mail sport ayaa sheega in Jude Bellingham uu qirtay inuu
ilaaliyo muuqaal “macho” ah si uu uga leexiyo daciifnimadiisa gaarka ah.
Xiddiga England – oo ka maqnaa tababarka caalamiga ah maadaama uu weli ka soo
kabanayo dhaawac garabka – ayaa aaminsan in weli ay jirto ceeb ku saabsan
caafimaadka maskaxda.
Bellingham ayaa ka hadlay caafimaadka maskaxda isagoo ah safiirka Laureus, isagoo shaaca ka qaaday in uu badanaa magaciisa ku raadiyo Twitter si uu u helo dhaleeceyn iyo aqoonsi xilligiisii ciyaaryahan da’yar ahaa.
“Horumarka baraha bulshada
iyo tiknoolajiyadda ayaa bixiyay siyaabo badan oo lagu weerari karo qof, lagu
dareensiiyo hoos-u-dhac,” ayuu Bellingham yiri.
“Waxaan u maleynayaa weli in ceeb jirto marka laga hadlo caafimaadka maskaxda.
Waan ogahay in ay jiraan waqtiyo aan dareemay daciifnimo, aan is shaki geliyay
oo aan u baahday qof aan la hadlo – halkii, waxaan isku dayay inaan ilaaliyo
muuqaalka ciyaaryahan macho ah oo leh, ‘Qofna uma baahni’.
Xaqiiqda ayaa ah in aan u baahnahay, qof kastaa wuu u baahan yahay. Waxaad dareemi doontaa farxad badan marka aad ka hadasho dareenkaaga iyo xasaasiyaddaada.”
Wararka kaimanaya fabrizo
romano ayaa sheegaya in Bruno
Fernandes uu sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Manchester
united waxaa kaloo laweydiiyey arimaha sacudi
bro league waxuu yiri horey ayaa si cad ugu sheegay inaanan
xiiseyneynin,taasi waxa muujineysaa in si cad uu u diiday.
ila lagu kalsonyahay ayaa
sheegay in Ibrahima Konaté uu
kabaxay xulka france sababa laxiriira
inuusan fit aheen
Daafaca liferpool ayaa waxuuna dib ugu laabtay ingriiska iyadoo
booskiisa uu badalaayo Benjamin Pavard.


0 Comments